MAANSADA DOON-DOON W/C: MARYMA XURMO

0
Monday February 13, 2017 - 08:43:32 in by salman abdi
  • Visits: 1503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAANSADA DOON-DOON W/C: MARYMA XURMO

    MAANSADA DOON-DOON Taarikhda La Curiyey 12-2-2017 Save Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAANSADA DOON-DOON Taarikhda La Curiyey 12-2-2017 Save Berbera


Damiir noolow istaag
Istaag dadnimooy is taag
Qalbiga debcayoow istaag 
Istaag dadkaygiiyoow istaag 
Intii dihineey istaag
Aqoon diraneey istaag 
Wadani daacadoow istaag
Wadaad daaciyoow istaag

Idaa doqonoow i daa 
Dayuus akhasoow i daa
Ma diirnaxahoow i daa
Siyaasi dufloow i daa
Dalkiisa cunoow i daa
Dadkiisa qashoow i daa
Dameer la rartoow i daa
Nin doolar rartoow i daa

Ku mee daayinoow ku mee 
Rabiga dooroow ku mee
Diinataydii eey ku mee
Sunuhii digahoow ku mee (rasuulka cswm)
Dariiq saxanoow ku mee
Aqoon durugtaay ku mee
Ninkaan dirtayoow ku mee
Kaan duubka sudhoow ku mee

Xanaaq degelkoow xanaaq 
Xanaaq dekedaaay xanaaq
Badaydiiyeey xanaaq
Xanaaq danyartaay xanaaq
Xanaaq da,a yartaay xanaaq
Xanaaq dumarkoow xanaaq
Xanaaq duur-joogtay xanaaq
Xanaaq daacadaay xanaaq
Xaanaaq derbigaw xanaaq

Bax waar bax dilaalahoow 
Bax waar doqon daadufoow 
Bax waar ma daneeyahoow 
Bax waar danyar ceejiyoow 
Bax waar dalka iibsadoow 
Bax waar kaan diidayoow

Rabiga dooroow imaw
Imaw deeqeey imaw 
Qalbiga debcayoow imaw
Imaw diineey imaw
Imaw dadnimooy imaw

Abaarta bal day arliga 
Duunyada bal u fiirso madhan 
Bal daya danyartaa jilcoon 
Bal daya inta aan dab shidan 
Bal daya inta bacadka dedan 
Bal daya inta daadufkaa 
Bal daya macadanteenan dihin 
Bal daya dalkan xaalufkaa 
Bal daya dunjigeena Lumay

Rabaw ragan duubka xidhan 
Durbaanka ragaa la sudhay 
Ragaa cadaw kala dufsaday
Dadkayga kuwaa dumiyay
Kuwaa Gawskooda degay 
Ayaan darnalaawayaal 
Dar khayr qaba noogu door

Dastuur sharci iyo sinaan 
Diin iyo dhaqan iyo samaan 
Jacayl iyo deris xushmayn 
Doorkii hore saan ahayn 
Raboow debec noogu beeg

Raboow waxaan doonayaa 
Wanaag baan doonayaa 
Dal jira baan doonayaa
Diintoo la dugaashadiyo 
Dadkoo mida baan rabaa

Raboow waxaan doonayaa
Awood baan doonayaa 
Masuul daacadan rabaa
Raboow waxaan doonayaa
Dariiq wacan baan rabaa

Rabaw waxaan ahay dulmane 
Dadkaan eray geysan Karin
Ayaan damaqooda iyo
Raboow dooda u galaa
Rabaw waxaan ahay daciif
Awooda adaa u diran 
Adaa dunidani xukuma 
Adaa sida doora garan

Raboow daayinoow na sii
Dal aan gaal loo dulayn 
Dad aan is dubaaqinayan
Masuul aan daan ku socon
Wadaad aan dayn wacdiga 
Raboow waan daalanee 
Adigu noo door saxdiyo 
Halkaan Denbi noogu jirin



W/C" Maryama Xurmo Aadan Yuusuf