"Baarlamaanka Waxa ka Dhacay Distoor-jebin, Af-duub Iyo Awood Ciidan…."Xuseen Aadan Cadde -

0
Monday February 13, 2017 - 10:39:16 in by Burco Office
  • Visits: 482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Baarlamaanka Waxa ka Dhacay Distoor-jebin, Af-duub Iyo Awood Ciidan…."Xuseen Aadan Cadde -

    Hargaysa(HWN):-Guddoomiyaha UK ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xuseen Aadan Cadde waxa uu sheegay in fadhigii wwada-jirka ahaa ee Madaxweynuhu la yeeshay baarlamaanka somaliland ay ka soo baxday wax fool-xun oo karraamaddii dalkan iyo dadkan uu d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Guddoomiyaha UK ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xuseen Aadan Cadde waxa uu sheegay in fadhigii wwada-jirka ahaa ee Madaxweynuhu la yeeshay baarlamaanka somaliland ay ka soo baxday wax fool-xun oo karraamaddii dalkan iyo dadkan uu dhaawac soo gaadhay.

Guddoomiye Xuseen Aadan Cadde oo ka hadlaayay heshiiskii imaaraadka ee Saldhiga Milatari ee berbera oo Mudanayaasha labadda gole Ansixiyeen, ayaa waxa uu ku tilmaamay mid aannay wax-ba ka jirin oo Sharciyadda iyo qawaaniinta dalkan baalmarsan, waxaannu shaaciyay in Xildhibaanno xasaanad leh oo darreenkoodda cabirraaya la jidh-dilay oo inta awood Ciidan loo adeegsadday la karraamo dilay oo dhaawacyo la soo gaadh-siiyay, isla markaanna qaar kalenna Xabsiga loo taxaabay oo xorriyada laga qaadday, isagoo guddoomiye Xuseen Aadan Cadde

talaabooyinkaas ku tilmaamay kuwo aan ka turjumayn dal xor ah oo Sharci leh, Nidaam leh oo Distoor leh. Waxa kale, oo uu guddoomiyaha UK ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xuseen Aadan Cadde uu sheegay inay khatar ku jirto qarannimadii Somaliland iyo qaddiyaddeedii, waxaannu yidhi "Anigu waxaan qabaa waxani waa meel sokee, jiritaankii iyo madax-banaanidii qarankan ayaa khatar ku jira oo la dilay, waxaannu ognahay in dawladda Imaaraadku ay Xamar wax soo waydiisatay oo heshiis la soo gashay, waxaan leeyahay Ummadda Somaliland dib ha isugu noqoto oo fiirro gaara ha loo sheego Madax-banaanida iyo jiritaanka qarankan, waayo Nimankan meesha joogaa waxa ay xeerinnayaan ma jirto, waa kuwaa sharciyaddii dalka ku tumannaaya, waa kuwaa Xildhibaannadii laynaayo ee xidh-xidhaaya, markaa waxa la doonnayaa in dalkan laga badbaaddiyo oo bulshaddu dib wax isu waydiiso, waxyaabaha socdanna isha ku hayaan.” Ayuu yidhi guddoomiyaha UK ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xuseen Aadan Cadde."Marka ugu horaysa waxaan shacabka ka Tacsiyaddaynayaa fool-xumaddii, Sharci-jebintii, Af-duubkii dhagarta iyo Dhiigga loogu talo-galay, balse aannu Illaahay tooddii ka dhigin ee lagula kacay golihii Wakiillada Somaliland oo qofkastoo arkay-ba uu quustay. Golaha Wakiillada wixii la horgeeyay ee la Ansixiyay muu ahayn heshiis laba dawladdood wada-galeen, balse waxa uu ahaa nuqullo lagu daabacay Madaxtooyadda oo nuxurka ay xambaarsan aan lagu sheegi karrin heshiis. Runtii arrintan golaha Wakiillada ka dhacday waa lagu wada socday oo Siilaanyo, Saleebaal iyo labadda Inan ee ay Addeerka u yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, iyo Safiirka Imaaraadka Baashe Moorgan, waxaan-se leeyahay socon mayso sida aad doontaan, waxaad golaha ku af-duubteenna maaha wax Sharciya.” Ayuu yidhi guddoomiyaha UK ee Xisbiga WADDANI Xuseen Aadan Cadde.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi "Darreenka shacabka lama qarin karro, lamanna baalmarri karo, cid diiddi kartaanna ma jirto oo rabitaanka ummaddu waa meeshii u sarraysay ee lagu go’aan qaaddanaayay, waxaan qabaa inaanay aqlabiyaddii baarlamaanku ku shaqayn aragtidda shacabkii ay Wakiilka ka ahaayeen, waxaa muuqata inay Shillinka raaceen oo iska indho-tirreen dhawaaqyaddii dadweynaha Somaliland ka bixiyeen Saldhiga Milatari ee Imaaraadka. Madaxweynihii ummaddani dooratay maskaxdiisu caaddi maaha oo wakaas labadda Layn warqadda loogu qorraayo, waa la xisaabtami doonnaa si fudud loo kala tagi maayo ee horta hala ogaaddo, shacabkanna waxaan leeyahay midnimaddiina ilaashadda oo darreenkiina muujiya oo diidda taladda xun ee la idinku hoggaaminnaayo.” Ayuu yidhi Mujaahid Xuseen Aadan Cadde.