Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Safiirka Talyaaniga Ufadhiya Muqdisho

0
Monday February 13, 2017 - 11:29:50 in by salman abdi
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Safiirka Talyaaniga Ufadhiya Muqdisho

    Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhambaal ka guddoomay safiirka dowladda Talyaaniga Ambassador Carlo Campalina, kaas oo uu ka siday Ra'iisul wasaaraha dalkaasi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhambaal ka guddoomay safiirka dowladda Talyaaniga Ambassador Carlo Campalina, kaas oo uu ka siday Ra'iisul wasaaraha dalkaasi,

 madaxweynaha iyo safiirka ayaa iska wareystay xiriirka labada dal oo ah mid taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la kulmay safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Somaliya Ambassador Carlo Campalina.

"Dowladda Talyaaniga waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Somaliyed, waxaan hubaa inaana ilaawi doonin kaalinta mugga leh ee aad ka qaadataan dib u dhiska dalkaan, sidoo kale waxaa uga mahadcelinayaa Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Hambalyada uu ii soo diray.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

 

Madaxweynaha ayaa dowladda Talyaaniga ka codsaday in ay si dhab ah uga qeyb-qaataan gurmadka ay u baahan yihiin dadka Somaliyed ee ay abaaraha saameeyeen, isagoo si qiiro leh u sheegay in dowladda Talyaaniga looga fadhiyo in ay sida lagu garanayeyba ay sameyso dedaal dheeri ah oo dadka gurmadka u baahan lagu gaarsiinayo waxyaabaha deg degga ah sida cunnada, Biyaha iyo dawooyinka.

"Waxyaabaha dowladeeda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah amniga iyo dhismaha ciidammada Qaranka”,

"Waxaan mar kale ka codsanayaa masuuliyiinta sare ee dalka Talyaaniga in ay gacan buuxdo naga siiyaan tababarrada iyo taakuleynta ay ciidanka Soomaaliyeed u baahan yihiin, dedaal xooggan ayaan u geli doonaa sidii arrinta amniga iyo dhismaha ciidanku u noqon lahaayeen kuwa hirgala” ayu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

Dhinaca kale Safiirka dowladda Talyaaniga Carlo Campalina ayaa madaxweynaha cusub u sheegay in uu heysto taageerada shacabka Soomaaliyeed oo middeysan, taasina ay muhiim u tahay dowladda uu soo dhisi doono, waxa uu sheegay in dowladda Talyaaniga ay si ka wanaagsansidii hore uga caawin doonto dowladdiisa dhinacyada ay ka wada hadleen, lagama maarmaanna ay tahay in laga faa’ideysto awoodda shacabka, waxa uu intaa raaciyey in hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ay tahay mid ummadda Somaliyed ay ku kalsoon tahay.

 



SOURCES:UNIVERALTV.