Xulka Costa Rica Oo Markii Kowaad U Soo Gudbay Wareega 8-aad Iyo Holand Oo Si Mucjiso Ah Ku Soo Baxday.

0
Monday June 30, 2014 - 17:27:17 in by Super Admin
  • Visits: 1347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Costa Rica Oo Markii Kowaad U Soo Gudbay Wareega 8-aad Iyo Holand Oo Si Mucjiso Ah Ku Soo Baxday.

    iyo Wiilasha Van Gaal Oo 88 Daqiiqo Kadib Si Mucjiso Ah Ugu Baxay Wareega 8-da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo Wiilasha Van Gaal Oo 88 Daqiiqo Kadib Si Mucjiso Ah Ugu Baxay Wareega 8-da


Xulka Costa Rica ayaa taariikhda markii ugu horeysay u gudbay wareega rubuc dhamaadka Koobka aduunka , kadib markii ay rigoodhayaal kaga adkaadeen Greece, Ciyaartii adkayd ee xallay la isku mari waayay barbar dhaca 1-1 ka ah.

 

Costa Rica oo ciyaarta intii badnayd ku ciyaaraysay 10 ciyaaryahan, casaana uu ka qaatay Oscar Duarte kaadhka casaanka ah loo dhiibay daqiiqadii 66 aad ee ciyaarta, laakiin dedaal badan oo ay sameeyeen, isaga caabiyey weeraradii sida daadka ahaa iyo awoodii qayrul caadiga ahayd ee xulka Greece xallay.

Labadan xul oo aan midkoodna taariikhda wali u soo bixin rubuc dhamaadka koobka aduunka ayaa ku dedaalayay inay midba midka kale ka hesho guusha, waxaana u suurto gashay Costa Rica inay ciyaarta hogaanka ugu qabato gool uu u dhaliyey Bryan Ruiz daqiiqadii 52 aad ,  laakiin Greece ayaa daqiiqadihii ciyaarta lagu daray ay u suurto gashay inay la yimaadaan goolka barbardhaca , kaas oo uu u saxeexay Sokratis Papastathopoulos, ciyaartiina qasab ka dhigay in lagu darro 30 daqiiqo oo dheeraad ah.

Greece oo ciyaarta qaybtii dambe iyo labadii qaybood ee lagu darayba awood badnaa ayaanay u suurto gallin inay dhaafaan 10 ka ciyaaryahan ee reer Costa Rica , ciyaartiina waxay ku dhamaatay 1-1 , waxaana loo qabtay rigoodhayaal.

Kubadii uu badbaadiyey Goolwade Navas ee uu soo laagay Theofanis Gekas iyagoo 5 tii kubadoodba dhashaday Costa Rica ayaa u horseeday inay sidaas ugu gudbaan wareega 8 ee koobka aduunka.

article-2674285-1F406C2300000578-80_634x435 article-2674285-1F406CE400000578-737_634x435 article-2674285-1F406E7D00000578-411_634x435 article-2674285-1F40427400000578-114_634x435 article-2674285-1F40728900000578-328_634x435

Netherlands 2-1 Mexico: Wiilasha Van Gaal Oo 88 Daqiiqo Kadib Si Mucjiso Ah Ugu Baxay Wareega 8-da

Netherland ayaa wakhti dambe kala daba timid oo 2-1 ku jiidhay Mexico habeen aad u xalad lahaa ciyaartii ka dhacday magaalada Fortaleza, sidaasna xulka Latin Americanka ah kaga reebay tartanka Koobka aduunka.

430229_heroa

 

1-0 ay hogaanka ku hayeen tan iyo daqiiqadii 88 aad ee ciyaarta, Mexico waxaa ku dhacay mashaqo sida loo ilaabaa ay adag tahay , waxaana ka dhashay goolkii barbardhaca ahaa , iyo waliba kii guuldarada u horseeday.

Ciyaaryahanada tababare Miguel Herrera ayaa isu taagay inay ka dhabeeyaan in markii koowaad ay iska xaadiriyaan wareega 8 da koobka aduunka oo ay ugu dambeysay 1986 kii, laakiin ciyaaryahanka bedelka ku soo gallay ee Klaas-Jan Huntelaar rigoodhihii uu ka dhaliyey kadib goolkii barbardhaca ahaa ee uu Holland ugu bareejeeyey Wesley Sneijder daqiiqadii 88 aad, waxay candhuuftiina dib u liqa ku tidhi , wiilashii madaalayaasha ahaa ee Mexico.

Marna may filaynin shacabka Mexico in guuldaro u xigi doonto guushii Giovani dos Santos uu hogaanka ugu dhiibay bilowga qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaase xaal ku soo gebo gabaysmay guul Holland gaashay iyo cadaynta in wali xulkii ugu awooda badnaa Tartanku ku sii baaqi yahay Koobka aduunka.





Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com