KOBACA AQOONEED OO GAABIS KA AH GOBALKA SAAXIL IYO WAXYAABAHA U SABAB AH

0
Monday June 30, 2014 - 17:52:49 in by Super Admin
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KOBACA AQOONEED OO GAABIS KA AH GOBALKA SAAXIL IYO WAXYAABAHA U SABAB AH

    Waxaan aan mudo afar bilooda ku suganahay magaalada Berbera ee xarunta gobolka saaxil waxaan u kuurgalay qaybaha kala duwan ee waxbarashada iyo heerka aqooneed ee ardayda wax kabarata magaalada Berbera .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan aan mudo afar bilooda ku suganahay magaalada Berbera ee xarunta gobolka saaxil waxaan u kuurgalay qaybaha kala duwan ee waxbarashada iyo heerka aqooneed ee ardayda wax kabarata magaalada Berbera .

Sidaynu ka warhayno waxaa magaalada Berbera ku yaala laba isguul oo dugsiyo sare ah waxaa kaloo iyana farac ku leh Jaamacada Gollis ee ay xarunteeda wayni kutaalo Magaalada hargaysa waxaa kaloo jirta oo inayana meesha ka madhnayn Akaadmiyadaculuumta Bada oo Degmada Berbera ka hawl gasha.

Dhamaan xarumahaa wax barasho ee ka hawlgala Magaaladda Berbera waa qaar sidii loogu talo galay u shaqaynaya hadaba waxaynu maqaalkayga sikooban ugaga hadli doona saamaynta ay Taban iyo ta Toga ee ay ku leedahay Dhaqaalaha magaalada Berberihanaanka waxbarasha ee ka hawlgala magaaladaBerbera iyo guud ahaan Gobolka Saaxil.


Berberi waa xaruntii dhaqaalaha Somaliland waayo waxaa ku taala Dekeda way nee magaalada Berberaiyada oo ay sidaas tahay waxay ay aad uga aradan tahay kabaayasha dhaqaalaha oo ay kow katahay waxbarashadu sida aynu soo sheegnay waa ay jiraan xarumo waxbarasho lakiin waxaadarkaysaa inmadaxda gacanta ku haysa talada iyo maamulka Magaalada Berberi inaanaywax xila iska saarin dhinaca waxbarasha ( education Sector)haday ahaatoMaareeya Dekedawaynee Mgaalada Berbera Mud: Cali Xorxor , Duqa Degmada Berbera Mud: Cabdishakur Cidin iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil Mud: Cali gadh-dheer.


Igama aha uun inaan dhaliilo madaxda aan kor ku xusay lakin arimahaas ka markhaati kacayaa war bixinta Wasaarada Qorshaynta Qaranku ay ku sheegtay Buug ay soo saartay ee layidhaahdo (Somaliland in Figures) ee ay wasaaradu kaga waramays koboca waxbarashada ka jirtay dhamaan Gobolada Somaliland waxay ay sheegtay wasaaradu markay ka warmaysay waxbarashada ka jirta Gobolka Saaxil in waxbarashada koboc ku yimaada iska dayoo uu

Gobolku uu noqday Gobolka kaliya ee in iskuulo furnaa dibloo xidhay (reclosed) alka markaa eegto Gobolada kale Somaliland aanay dhacdadan oo kale kadhicin miyaanay ayaan daro ahay in iskuul cusub lasameeyo haba joogee in dibloo xidho isguuladii furnaa, taasi waxay markhaati cad u noqonaysaa alka ayan kataagan yihiin madaxda Gobolka katalisaan waxbarasha Gobolka.


Waxaa iyana markhati taa lamida ah in Mareeyaha dekeda Berbera uu sicad u diiday in ay dekedu ka bixiso fiiga jamacada shaqaalaha ka hawl gala Dekeda Berbera, miyaanay wax aad looga xumaado ahayn in Dekedii inataa leekayd ee dhaqaalii wadanka haysay in aan diyarba u hayn in ay wax kaqabato arimaa waxbarashada mise maareeyaa dekedu wuxu aaminsanyahay in haday dhalin yara Gobolku waxbartaan inay ay isaga booskiisa duulaan ku yihiin.


Dawlada Hoose ee Degmada Berbera oo iyada ardayda dhigata Jamacadda Gollis boqolkiiba 50% fiiga ka bixisa walaw aanay iminka wanaagsanayay xidhiidhka lacag bixineed ee u dhexeeyaJamacadda Gollis iyo Dawlada Hoose waxaan aan taa u sababain uu soo kalo dhexgalay arimo siyaasadee lakin waxaan aad loo faham sanayn Dawlada Hoose ama Maayar (Cidin) in Waxbarashadu ka reeban tahay Arimaha siyaasada.


Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka Saaxil oo u muuqda nin wali aan dhaafin Xooghayo nimadadii Dawlada Hoose, waxaan wali ka daadagin inuu yahay Madhaasaabka Gobolka Saaxil.


Isku soo xooriyoo markaad arimahaas oo dhan u fiirsato waxaakusoo baxaya in aanay diyaar ama raaliba ka ahayn in nidaam waxbarasho oo tayo lehi ka hanaqaado Gobolka waxaan markhaatiyaa cadcadu noqonkarana iyada oo ay sidaa ka yihiin waxabarashada in walina qorshaynayaa in aya mijo xaabiyaan Jamacaddi qudha ahayd eek u taalay magaalada Berber.


Waxaan ku soo gunaanadayaa Mudanayaan Waxbarashada Gobolku idinka ayay dan itiintahee fadlan waxaad isku daydaan siday ardayda Gobolku ula tartamilahaaye ardayda qayr kooda ee Gobolada kale, waxay ay u baahanyihiin waa dhiiri galintiina iyo iskgarab taagiina uma baahna inaydun siyaasadaysaan ama aad hagardaamaysaa



MaxamuudCabdi Ismaaciil ( Mayarka)

Tell: 0634324029

Mohamoud432@hotmail.com