
Barro geedka gobka (WQ: Haldoor Ismaaciil Maxamed Aadan-Dhicir)
Ugu horayn macnaha (GOB) wuxuu noqonayaa tusaale sida qof marka dadka inta kale oo dhami xumaato isagu ka hadha
dadka kana baydha oo noqda kii ugu wanaagsanaa sidaas ayaa gobonimo layidhaahdaa gobkuna uu noqonayaa halka laga keenay gobonimo ama magaca gob sida hebel waa gob oo kale.
Geedka gobku waa geedka marka dhirta inta kale oo dhan aanay waxba bixin ee laga waayo wax soosaarkii lagu yiqiin ama ay dhacdo abaar darran oo dhulka xaalufisa amaba wakhtiga loo yaqaan roob la’aanta ayuu geedkani soo saaraa midhaha looyaqaan hoobaanta oo bisil dhulkana soo dhigaa midhahaasi aadka umacaan sidaa darteed ayaa loogu bixiyay magaca gob waana halka uukayimi hab adeegsiga kelmeda gob.
Geedkan gobku wuxuu cadayn ama tilmaan buuxda uyahay meelkasta oo biyo leh waana sabata uu keliya uga baxo meelaha biyuhu ka dhawyihiin.
Qaab ahaan geedka gobku wuxuu ubaxaa si cufan oo ku wanaagsan in la hadhsado waxaanu noqdaa damal hadhweyne ah oo kor ka cufan caleemaha iyo laamuhuna ay isxidhaan oo jirid balaadhan leh badanaa kuna fudud koriimada , waxakale oo uu ka koobanyahay laamo cufnaan iyo dherer leh ayna ku taal qodax gaab aan dherer lahayn balse la bahwadaag ah nooca looyaqaan sogsogta.
Faaidooyinka geedka gobku aad bay u tirro badanyihiin lamina koobi karro hadii ay noqoto manaafacaad iyo manfac guud oo kale balse aan dhawr faaido oo geedkan leeyahay oo yar qaadano.
-
Geedka gobku wuxuu caanku yahay midho aad umacaan oo yaraanimo ilaa weynaan lagu quuto.
-
Geedka gobku wuxuu leeyahay waxa looyaqaano QASILKA (DIIBKA) oo dumarku isticmaalaan layskuna nadiifiyo amaba meydka lagu maydho waxaana laga sameeyaa caleentiisa oo la qalajiyo lana tumo.
-
Geedka gobku waxaa kamida faaidooyinkiisa meydka hadhkiisa la dhigaa ma qudhmo waana sababta loogu maydho qasilkiisa meydka.
-
Geedka gobka udubka laga gooyo wax xar ahi magalo .
Barro geedka gobka (WQ: Haldoor Ismaaciil Maxamed Aadan-Dhicir)
Ugu horayn macnaha (GOB) wuxuu noqonayaa tusaale sida qof marka dadka inta kale oo dhami xumaato isagu ka hadha