Midowga Yurub Oo Ka Digaya Cuduro Ka Dillaaca Soomaaliya Iyo Nooca Ay Yahiin Cuduradaasi

0
Saturday April 01, 2017 - 10:18:00 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub Oo Ka Digaya Cuduro Ka Dillaaca Soomaaliya Iyo Nooca Ay Yahiin Cuduradaasi

    Midowga Yurub Oo Ka Digaya Cuduro Ka Dillaaca Soomaaliya Iyo Nooca Ay Yahiin Cuduradaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub Oo Ka Digaya Cuduro Ka Dillaaca Soomaaliya Iyo Nooca Ay Yahiin Cuduradaasi


 

Madaxa gargaarka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr Johan Heffinck ayaa sheegay in sanadkan oo keliya la diiwaan geliyay in kabadan 18 kun oo kiis oo cudurka daacuunka ah, Halka sannadkii aynu soo dhaafnay la diiwaan geliyay in kabadan seddex kun oo kiis.

Sarkaal sare oo ka tirsan hay'adaha gargaarka ee Midowga Yurub ayaa

ka digay in dalka Soomaaliya oo ay haatan ka jiraan abaaro ba'an ay dadku sidoo kale wajahayaan xannuuno ay kamid yihiin daacuunka.

Waxaa sare u kacay tirada dadka uu soo ritay xannuunka shuban biyoodka oo ka dillaacay qeybo ka mid ah Soomaaliya.


Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubaland.


Qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka uu ku dhacay xannuunada ka dhashay abaaraha tiradooda ay sare u sii keceyso.


Gobollada ugu daran waxaa ka mid ah Bay, Bakool iyo Gedo. oo lagu warramayo in qiyaastii 600 oo qof oo qaba xannuunno kala duwan oo abaaraha ka dhashay la seexiyay xarumo caafimaad.


Waxay u muuqataa in xaaladda abaarta ay sii xumaaneyso iyadoo qeybo ka mid ah deegaanada Soomaaliya laga billaabay in loo gurmado dadka ay gaajadu hayso.


Qaramada Midoobay waxay horay uga digtay in abaarahani ay isu bedeli karaan macluul la mid ah tii dhacday 2011-kii. Markasoo kumanaan qof ay dhinteen.


Dowladda Soomaaliya ayaa iyana horay u sheegtay in abaaraha ka taagan Soomaaliya ay sababeen dhimashada boqolaal qof.