Kenya oo sheegtay in ay dishay 15 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab

0 in by Burco Office
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo sheegtay in ay dishay 15 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab

    Kenya oo sheegtay in ay dishay 15 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya oo sheegtay in ay dishay 15 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab
Talaado, April, 11, 2017 (afka) – Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-waaq ee gobolka Gedo ku dileen 15 ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay militariga dowladda Kenya oo lagu magacaabo Col. Joseph Owuoth ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ku dileen 15 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab xero ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-waaq, halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawaceen howlgalka.

‘’Howlgal ay sameeyeen ciidamadeena waxaa ay ku guuleysteen in ay bur buriyaan xero Al-shabaab ay ku lahaayeen meel 100 km u jirta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ‘’ ayuu yiri afhayeenka.

Col. Joseph ayaa intaa ku darray in sidoo kale howlgalka lagu bur buriyay gadiid iyo hub ay adeegsanayeen xoogagga Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in tallabada ay qaadeen ciidamadooda tahay mid looga hortagayay weeraro gaadmo ah oo Al-shabaab ay damacsanaayeen in ay ku qaadaan saldhigyada militari ee ciidamada Kenya.

Howlgalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii saraakiisha Kenya ay shaaciyeen dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Baashe Nuur Xassan.

Ciidamada Kenya ayaa inta badan howlgalo joogta ka sameeya deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay ku xoogan yihiin xarrakada Al-shabaab