Maxaa Hortaagan Go'aankii Ay Xukuumaddu Dollar-Bararka Kula Dagaalamaysay, Maxaase Ka Jira Inay Xukuumadda Iyo Shirkadaha Ay Dollarka Ka Qaadanaysay Isku Seegan Yihiin Dhinaca Sicirka?

0
Saturday May 27, 2017 - 13:17:45 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Hortaagan Go'aankii Ay Xukuumaddu Dollar-Bararka Kula Dagaalamaysay, Maxaase Ka Jira Inay Xukuumadda Iyo Shirkadaha Ay Dollarka Ka Qaadanaysay Isku Seegan Yihiin Dhinaca Sicirka?

    Hargeysa(AFKA);Maxaa Hortaagan Go'aankii Ay Xukuumaddu Dollar-Bararka Kula Dagaalamaysay, Maxaase Ka Jira Inay Xukuumadda Iyo Shirkadaha Ay Dollarka Ka Qaadanaysay Isku Seegan Yihiin Dhinaca Sicirka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Maxaa Hortaagan Go'aankii Ay Xukuumaddu Dollar-Bararka Kula Dagaalamaysay, Maxaase Ka Jira Inay Xukuumadda Iyo Shirkadaha Ay Dollarka Ka Qaadanaysay Isku Seegan Yihiin Dhinaca Sicirka? Sarrifka Lacagta Qalaad ee Dollarka ayaa suuqyada Somaliland halkii u saraysay ka maraya,Waxaana aan wali hirgalin Dhawaaqii Xukuumadda dhawaan ku sheegtay inay Dollar badan suuqyada Ku siidaynayso si ay hoos ugu dhigto qiimaha Sarifka Dollar oo meel sare gaadhay,Waxaanay Warar hoose sheegayaa in Is-afgaran Waa ka dhex aloosan yahay Xukuumadda iyo Shirkado la sheegay inay lacagtaasi dollarka ah gacan ka siinayaan Xukuumadda.
Waxa wali si aan caadi ahayn Suuqyada Somaliland sare ugu sii kacaya Qiimaha Sarifka Dollar ka, iyadoo dhinaca kalena ay sii qiime dhacayso Lacagtii Shilinka Somaliland,waxaanay bulshadu si weyn wax iskaga Waydiinaysaa halka uu ku dambeeyay Go’aankii dhawaan ka soo baxay Xukuumaddda Somaliland ee ku saabsanaa inay Xukuumaddu Dollar badan ku soo daynayso Suuqyada Somaliland,

 

arintaasi oo ay bulshadu u dheg taagaysay,Rajana ka qabtay inay waxa uun ka qabato Doollar qaaliyawga iyo Sixir bararka dhinaca Maciishada Quutal daruuriga oo marba marka dambaysay sii qaaliyoobaya,taasi oo wal wal iyo Walaac Culus ku haysa Bulshada Somaliland,haddii ay sidan ku sii socotana keeni karta Xaalado Culus oo dalka ku soo kordha,iyadoo aad looga walaacsan yahay Xaalada ay ku sugan yihiin Dadka danyarta ah ee Reer Somaliland inta lagu gudo jiro wakhtigan adag.

Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore helay ayaa iftiimiyay in Lacagtii dollarka ahayd ee Dawladu suuqyada ku siidaynaysay aanay ahayn wax hadda gacanta dawlada kujira balse ay ka soo amaahanaysay Shirkadaha Ganacsiga ee waa weyn,sida Dahabshiil iyo Telesom, islamarkaana aanay illaa hadda isku afgaran qaabkii ay lacagtaasi ukala qaadanayeen iyagoo shirkadahaasi doonnaya inay Dollarka ay Xukuumadda siinayaan qiime ahaan ka siiyaan Sixirka uu dollarku hadda suuqyada ka marayo oo aad u sareeya halka ay Dawladuna doonayso inay ugu keenaan qiime naasil ah oo aanay ku khasaarin maadaama oo ay suuqyada galinayaan oo ay qiime hoose Marka dambe siinayaan si ay Sixirka Dolarka Suuqa ay uga jabiyaan.

Warar hoose oo aanu helnay ayaa sheegaya inaanay Dawladu awood u lahayn inay dollar ku filan suuqo soo galiso si ay Sixir bararka wax uga qabato,Waxaana aan lagu naaloon Karin dollarkii ay Xukuumaddu Shirkadaha ka amaahanaysay oo waxay kala taagan yihiin meel kala fog. Wararkii ugu dambeeyay ee aanu xalay helnay ayaa sheegaya in Qiimaha Boqolka Dollar Suuqyada Hargeysa afka lagalay Halmilyan,Meelaha qaarna aanad lacag kasta ku helayn Dollar,waxaanay arintaasi muujinaysa Awooda darada Dawladii dhexe oo aan la isku halayn Karin iyo Noloshada Dadka oo sii adkaanaysa iyadoo Bishii Ramadaan ee Khayrka badnaydna bilaabantay maanta oo Sabti ah xaaladda dhaqaale ee dalkuna meel hoose marayso.



Source:Wergeyska Foore