Qarax Ay Ku Nafwayeen 10 Qof Oo Ka Dhacay Magalada Baqdaad Ee Waddanka Ciraaq.

0
Tuesday May 30, 2017 - 10:06:18 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Ay Ku Nafwayeen 10 Qof Oo Ka Dhacay Magalada Baqdaad Ee Waddanka Ciraaq.

    Qarax bam ayaa ka dhacay goob jalaatada lagu iibiyo oo ku taala badhtamaha magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax bam ayaa ka dhacay goob jalaatada lagu iibiyo oo ku taala badhtamaha magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof .


Saraakiisha ayaa sheegay in qof miidaame ahi gaadhi walxaha qaraxa lagu soo rakibay la beegsaday suuqan oo ku yaal xaafad ay Shiicadu ku badanyihiin.

Dadka ku dhaawacmay ayaa iyagana la sheegayaa in ay gaadhayaan 70 qof.

Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa hore u sheegatay qaraxyo noocan oo kale ah oo uu ka mid ahaa qarax ay Ramadaantii hore ku dhinteen boqolaal qof.

Barta ay wararka ku baahiyaan kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee la yidhaa Al-Acmaaq ayaa sheegtay in qaraxaa lala beegsanayey goob ay dadka Shiicada ahi iskugu yimaadaan.

Ergayga Maraykanka u qaabilsan isbahaysiga la daagaalama Daacish, Brett McGurk, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku canbaareeyay qaraxan .

Kooxda Daacish ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado caasimada Baqdaad aan intii ciidamada dowlada Ciraaq oo kaashanaya isbahaysiga uu horkaacayo Maraykanku ay bilaabeen duulaanka ay doonayaaan in ay dib ugula wareegaan magaalaada Mosol.

Xigasho/BBC Somali