Jamaahiirta Reer Argentine oo Bilowday Mudaharaado Rabshado Wata Kadib Guuldarradii ka soo Gaadhay Xulkooda Koobka Addunka

0
Monday July 14, 2014 - 15:43:58 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaahiirta Reer Argentine oo Bilowday Mudaharaado Rabshado Wata Kadib Guuldarradii ka soo Gaadhay Xulkooda Koobka Addunka

    Jamaahiirta Argentina ayaa Bilaabay Rabshado bilawday Kadib Guuldaradii Xulkooda Soogaadhay finalka koobka aduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaahiirta Argentina ayaa Bilaabay Rabshado bilawday Kadib Guuldaradii Xulkooda Soogaadhay finalka koobka aduunka.

Argentina ayaa 1:0 ku wayday koobkii aduunka ee ay u dagaalamaysay taas oo caasimada dalka Argentina ee Buenos Aires ka dhalisay rabshado xoogan.

Taagerayaasha ayaa iskugu soo ururay badhtamaha caasimada Buenos Aires kadib markii ay daawadeen guuldaradii xulkooda Argentina soo gaadhay. Markii hore jawigu wuxuu ahaa mid fiican oo dagan oo ay ku dheehantahay dabaal dag inkasta oo kooxdoodii laga badiyay laakiin waxay arintu gacmaha ka baxday markii ay jamahiirta qaar bilaabeen inay dhagxaan ku tuuraan bilayska magalaada.

argentina

Saxaafada gudaha ee Argentina ayaa soo sawirtay rabshadahan iyo waliba iyadoo goobaha qaarkood la bililiqaysanayo waxayna dhibaato badani ka soo gaadhay dadka ganacsiga ku leh goobaha ay rabshadu ka dhacday.

Ilaa 60 qof ayaa la sheegayaa in boolisku soo xidh xidheen halka ugu yaraan 15 booliska ka tirsan dhaawacyo loo gaystay. kooxda Argentina ayaa la rajaynayaa in sifiican loo soo dhawn doono marka ay goor danbe oo maanta ah soo gaadhaan kadib markii ay meel fiican ka gaadheen koobka aduunka.

 

 

 

arge


afkashsacabka.com / cayaaraha