Maxaa Ka Soo Kordhay Xaaladaha Xidigaha Ay Liverpool Doonayso Ee Oxlade-Chamberlain, Van Dijk, Thomas Lemar Iyo Waliba Xaalada Coutinho.

0
Thursday August 31, 2017 - 13:27:17 in by Burco Office
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Soo Kordhay Xaaladaha Xidigaha Ay Liverpool Doonayso Ee Oxlade-Chamberlain, Van Dijk, Thomas Lemar Iyo Waliba Xaalada Coutinho.

    Liverpool ayay maanta u tahay maalin mashquul badan wxaana jira ciyaartoy la filayo in ay kooxdeeda ku soo biirto iyo waliba kuwo kale oo la filayo in ay ka baxaan. Wararkii ugu danbeeyay ee Liverpool oo uu ka war bixiyay wariyaha Sky Sports ee Vinny

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayay maanta u tahay maalin mashquul badan wxaana jira ciyaartoy la filayo in ay kooxdeeda ku soo biirto iyo waliba kuwo kale oo la filayo in ay ka baxaan. Wararkii ugu danbeeyay ee Liverpool oo uu ka war bixiyay wariyaha Sky Sports ee Vinny O'Connor oo hadda ku sugan xarunta tababarka Liverpool ayaa soo qaaday arintaOxlade-Chamberlain, Van Dijk, Thomas Lemar iyo waliba Coutinho.

 

Liverpool ayay maanta u tahay maalin mashquul badan wxaana jira ciyaartoy la filayo in ay kooxdeeda ku soo biirto iyo waliba kuwo kale oo la filayo in ay ka baxaan. Wararkii ugu danbeeyay ee Liverpool oo uu ka war bixiyay wariyaha Sky Sports ee Vinny O’Connor oo hadda ku sugan xarunta tababarka Liverpool ayaa soo qaaday arintaOxlade-Chamberlain, Van Dijk, Thomas Lemar iyo waliba Coutinho.

Vinny O’Connor ayaa yidhi: "Ugu yaraan waxaa la filayaa in Liverpool ay maanta ku dhawaaqi doonto hesiiskaOxlade-Chamberlain kadib markii ay lacagta kala heshiisay Arsenal”.



Vinny O’Connor oo ka hadlaya, Coutinho Van Dijk iyo Lemar ayaa yidhi: "Waxaan sidoo kale filaynaa mustaqbalka Coutinho, Van Dijk in ay maanta kala cadaan doonaan halka ay sii wadaan xiisaha garabka Monaco ee Lemar”

Vinny O’Connor ayaa hadalkiisa sii raaciyay: "Hadda Origi waxa uu u muuqdaa mid ku sii jeeda Wolfsbrug kuwaas oo isku diyaarinaya in ay heshiiskiisa amaahda ah ka bixiyaan 6 milyan oo gini waxa kale oo maanta bixi kara Sakho kaas oo heshiis rasmi ah ugu biiri kara Crystal paacle.

Shaqaalaha caafimaadka Liverpool ayaa heegan ku jira waxayna doonayaan in ay u safraan dalka France haddii ay kooxaha Liverpool iyo Monaco heshiis ka gaadhaan Thomas Lemar. Heshiiska ugu horeeya ee maanta Liverpool laga filayo ayaa ah in Chamberlain uu noqon doono saxiixa afraad ee ee Reds.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Liverpool ay heshiis amaah ah ku doonayso Thomas Muller kaas oo isna xiisaynaya in uu Jurgen Klopp kula shaqeeyo Liverpool kadib markii uu kaydka in badan ku soo qaatay xili ciyaareedkii hore.