Madaxwayne Trump oo codsi u jeediyay Congreska+ Arimaha Uu Ka Cod Saday

0
Saturday September 02, 2017 - 10:20:34 in by Burco Office
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Trump oo codsi u jeediyay Congreska+ Arimaha Uu Ka Cod Saday

    Madaxwayne Trump oo codsi u jeediyay Congreska+ Arimaha Uu Ka Cod Saday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Trump oo codsi u jeediyay Congreska+ Arimaha Uu Ka Cod Saday Madaxwayne Trump oo codsi u jeediyay Congreska+ Arimaha Uu Ka Cod Saday.

 

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka codsaday congreska Maraykanka in ay ansixiyaan lacag dhan $7.8bilyan si loogu bixiyo dadaalada dib uga soo kabashada fatahadihii iyo duufaantii ku dhufatay gobalada Texas iyo Louisiana.

Saraakiisha dalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in la jeedin doono codsiga lacago dheeraad ah marka shaaca laga qaado saamynta ay reebtay duufaanta.

Qaar ka mid ah dadka gobolka Texas ayaa loo ogolaaday in ay dib ugu laabtaan guriyahooda balse qayba ka mid ah gobolka ayaa waxa wali sareeya heerka biyaha.

Mr Trump ayaa lagu wadaa in manta uu markii labaad booqdo gobolka Texas.

Duufaanta ku dhufatay gobolka Texas ayaa wax ka dhashay fatahaado waxa ayna gaystay burbur.

Waxa la sheegay in duufaanta ay ku dhinteen ugu yaraan 47 qof halka 43,000 ay imika hoy u tahay goobo gaar ah oo loogu talagalay.

Barasaabka gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in gobolka uu u baahan doono lacag dhan $125bilyan si loogu bixiyo dadaalka dib uga soo kabashada saamaynta duufaanta iyo fatahaadaha.