Qiiradii Dhalanteedka Lahayd‏!!! Qalinkii Cabdiqani Maxamed Xuseen( Mandela)

0
Tuesday July 22, 2014 - 10:52:32 in by Super Admin
  • Visits: 2240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiiradii Dhalanteedka Lahayd‏!!! Qalinkii Cabdiqani Maxamed Xuseen( Mandela)

    Dhalalawda codka teleefanka ayaa dhagta soo gaadhay dheehasho ka dib waa wiil dhamaystiran xaga dhumucda iyo dhararka dharka uu sitana dhiggii kuma arag,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalalawda codka teleefanka ayaa dhagta soo gaadhay dheehasho ka dib waa wiil dhamaystiran xaga dhumucda iyo dhararka dharka uu sitana dhiggii kuma arag,

taleefanka uu dhagta saarayaa walaal dhalaal marka aad dhugato xiiso wayni kuu qabanayo waa nuuc dhulka aan ku nool nahay wali cagaha soo dhigin ,dhugasho ka dib maxaa dhacay ? hadaba taleefankaa dhawaq nooceeya ayaa ka soo bixi!

Waxa dhacday dhugashadaydii ka dib qabashadii teleefanka ,tallow maxaa lais odhan waxaba juq taleefanka usoo tidhi wiilkii jaaha iyo joogaba lahaa inan jibaysan oo u jibaysan jacayl kamida jacaylada ka jira dhulka aynu joogno, waxa markiiba afkeega kasoo baxay xabiibti maxaad teleefanka hore ugu qaban la’ayd maad xanuun sanaysay ,ma madaxaa macaan ku xanuunayay miyaad mashquulsanayd waxay markiiba u dartay erayo noocaasa .inankii dhoolacadayn ayuuba kaga kacay dhooshiisana waxaabad ka garanaysay inay farxadi asqaysay deetana waxaaan islahaa eryada ka soo baxayaa waa kuwo dhuuxa ku dhaqaajinaya oo raacaya xidida dhiiga kala xawila, oo dhagtaabaan u jihaystay xagiisa oo maxay ma maqashay ayaad filasaa wax aan dhamaanayn hadana dhamaanaya yaab iyo wax aan la yaqinsan Karin,dhalanteed,iyo waxaanan dhici Karin bal eeg macaan maanta oo dhan ma seexan miyaad garanaysaa sababteeda maya.waxan maqliwaayay codkaagii waxan arki waayay muqaagii marqudhan waxaad ka bixi wayday niyadayda .

macaan markaan okay saar is idhi uun ee aan teleefanka saa ula soo buxuun uun baad adna khadka soo gashay macaaan ma ogtahay inaan isku niyad nahay haa macaan.intaa markii uu yidhi wuxuu badhida saaray kaabada bidixa iga xigta ilayn badwayntii caashaqaa ayaa kacdaye erayadii nuxurka iyo naxarista ka bilaab mayay ayaa la is dhex dhigtay.waxaa la isla dhigdhigay sheeko aan ka dhakafaaray waxan sii xasuustaa uun .waxa tahay xiskayga oo la,aantaa ma xasilo,wax tahay dhiigayga iyo dheecaankayga oo la,aantaana dhulka ma istaagi karo, waxad ii tahay iftiin sida qoraxda ,waxaad ii tahay nuur sida dayaxa waxankuu daawadaa sida xidigaha ,waxan kuu diida diifta iyo darxumada ,waxaan kuu diiriyaa sida dabka ,waxan kaa dugsadaa qabawga iyo qoroxda faladhaheeda yaab iyo amakaag ayaa ii dhamadaay waxaa iskaga kay darsamay erayadii ay ku dhawaqayeen waxay tidhaahdo iyo wuxuu tilmaamo ayaan kala saari waayay makuu uu sii kacayay ayay sheekadu maraysay waxaan kuu dhali wiil waxaan ubixinaynaa deeqsi oo haday mataano noqdaana qosol bayba kaga kaceen oo waxaan ubixinaynaa deeqa iyo deeqsi waxaaba ku go day lacagtii teleefanka .kaaga daran waa kawdii duhurnimo oo meheraduhu kuligood way qado tageen lacagta zaadka ku jiraa kuguma filna ayay ugu jawaabaysaa iyadna kax ayuu taleefankeegu taagnaa labadii taleefanba waa gaw iyo guux la,aan goor danbe la is soo garaac gacaliso iyo gacaliye lasika dhargi xataa taleefanka ayaa laiska dhunkanayayba dhunkashooy ba’a,wax lawada hadlo oo lawada hugmaba horta waa laga dhargay hadalkiii hadna sidaa laguma kala tagine waxaan la balamay caawa iyo cawayska iyo geedkii caashaqa.kaaga daran waxaa laisku soo diray fariin fariintaasi maxay ahayd , waxay ahayd erayo uu hal,abuuray hal-abuur c/qani mandela waxay ahaayeen

Naflaha kulligood dhamaan

adaan kaa qaatayoon

xabiibti ku leeyahoon

xayaatina kaa idhaa

fariimaha kaydka iyo

adaan kalamadaha jacdaa

walaal kaa odhan karaa

akhrintii fariintaa waxaba laga sii qaaday muxubo iyo mabsuud aan inaba xadkiisa la qaiyaasi Karin,ku dasroo ma isleedahay labada dareen ee labada qof ku lamaan hadii halbeeg lagu eego miisaanka dareenka jacayl ee ku jiraa wuu isleeg yahay ayaan islahaa .

ilayn waaba kaaf iyo kala dheeri safadaha la dul dhigay ee lagu miisaamay kalgacaylka labada qof midi waa cirka midna waa dhulka bal ;adba .

waxana xasuustay tix abwaanka wayn ee abqaniga xasan daahir ismaaciil(weedhsame ) lahaa oo ahayd — jamashadu badhaadhiyo

waxay tahay janoo kale

qofku jecel adoo jecel

ax iyo taah dabadeed ismaan lahayn mid waxay ka tahay ,afmacaani dhalanteed ,dhuumaalaysi iyo isku dhaafin wakhti o dhinacna loo dayayn dhabadaas markaan u fiirsaday waxan xasuustay eraydii ay isku odhan jireen oo midi dhab ulahaa midna ay dhalanteed ka ahayd
mid wuu dhadhansanayay oo wuu dhuuxayay ,oo wuu dhabar adaygayay oo wuu dhawrayay xidhiidka ka dhexeeya labada dhuux himilada iyo hadafka uu dhawrijiray waxay ahayd goormaad noqon doontaan reer dhamasytiran o daadeeheeya ubad dhalaal badan

midi waa kaa midna wa’dhaaba ma’hayo oo ilayn waxan horuu yaqaanay una yagleeli jiray sheekooyinka noocana hadaba sheekadu markay badhta maraysay macaanaydaa ,oo muuq qurux badnaydaa ,marnaba maanka iyo miirkuba meesha maba so dhigan marbay lamaanihii kalgacayl biyo dhigay midi dhalanteed iyo madmadow la iman miyaan islahaa waxa dhalan murugo qiiro dhalanteed wadata midka mida laaminihii ku midoobay cishqiga kala maray labada marin waxa afkiisa kasoo baxay murtidan iyo meerisyadan qiiradala lahaa

miyaan islahaa jacaylkani

marbuu dhiman ood ka tagi

marbuu dhalanteed noq noqon

marbuu kugu dili xusuus

marbuu murugadan ku badi

marbuu qiiradan ku ladhi

maankaaga miyaan lahaaa

isagoo tixahaa tiranaya ayuu magalaadii ka tagay miyaan islahaa maanku wuu qadi ax,ax ax




Qoraaga iyo Hal Abuurka Da.da Yar

By: Cabdiqani Maxamed Xuseen( Mandela)

Borama / Somaliland