Meel Qof Kastaa Leeyahay Nabadda Ha La Ilaaliyo! (Somaliland !! Where Everybody Says,Peace Must Be Kept)!!

0
Sunday November 19, 2017 - 11:50:10 in by Burco Office
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meel Qof Kastaa Leeyahay Nabadda Ha La Ilaaliyo! (Somaliland !! Where Everybody Says,Peace Must Be Kept)!!

    Meel Qof Kastaa Leeyahay Nabadda Ha La Ilaaliyo! (Somaliland !! Where Everybody Says,Peace Must Be Kept)!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meel Qof Kastaa Leeyahay Nabadda Ha La Ilaaliyo! (Somaliland !! Where Everybody Says,Peace Must Be Kept)!!

Nabaddu waa shayga dadka oo dhammi isku waafaqsanyihiin in ay tahay shay qaaliya, waa shayga kaliya ee dadku rumeysanyihiin in la wada leeyaahay.waa shayga kaliya ee dadku wada haystaan ee ay ku wada noolyihiin.waa shayga kaliya ee lagu wada seexdo ee lagu wada shaqo tago,ee lagu wada qurux badan yahay. Marka la maqlo erayga, Nabad waxa uu tilmaamayaa xasilooni iyo farxad iyo nolol deggan. Waxa ka soo hortjeeda erayaga……Dagaal…! Isaguna dadka oo dhammi ka wada dharagsanyihiin naxdintiisa iyo dhibtiisa iyo foolxumadiisa.Nabaddu waa ta ay ku hirgasho rajooyinka iyo himilada dadka wax rajeynayaa,waa tay ku hirgasho,faaiidooyinka iyo macaashka ganacsi…waa tay ku hirgasho, siyaasadda in guul laga gaadho oolagu guuleysto kursi-madaxtinimo.hadaba,Somaliland waa beed la ilaaliyey dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey,oo loo huray,Naf iyo Maal….waxa lagu soo koriyey nabadda maanta Somaliland ka jirta…..

Qori,

Naf,

Xoolo,

wakhti badan,

hees.

Gabay.

Isku tanaasul.

Isqancin

Wadatashi.

Isku hambalyeyn.

Xadhig.

Xil-ka qaadis.

Mastaafurin.

Isku-joojin la,aan.

Shir-b eeleed.

Dastuur.

Alla-barri ama duco.

Doorashooyin kala casriyeysan.

Hadaba,maanta waxa inala gudboon in aynaan ku soo gabo gabeyn dadaaladaasi iyo qodobadaasi kala dawan ee aan kor ku soo sheegnay….dagaal iyo dib u noqosho aan laga soo kaban kareyn.!!! Doorashooyinkii horee dhacay ayaa ka farsamo xumaa..tan maanta casriga ah ee aynu galnay 13 kii bishan. Waxa qudha ee muhiim ah,in Xisbiga iyo mushaxara laga guuleystaa uu dadweynaha la hadlo oo uu yidhaahdo< waa la igaga adkaaday doorashadii dhacday,waanan hambalyeynayaa musharaxa guuleystay,(He must say that,He was defeated in the elections,and must be the first caller to the winner in the elections )!…….telifoonka ugu horeeyana uu u diraa musharaxa soo baxa ee komishinka doorashooyinku ku dhawaqaan in uu guuleystay!!!!).

Doorasho guuleystaa waxay ka dhigantahay in aan dhammaanteed guuleysannay!!

Somaliland ilaahay ha ka dhigo meel Nabaddu baaqi ku sii ahaato waligeed!!! Ammiiin!!!

 

Qore:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Macalin dhiga luuqadda/Aqoonyahan School for English!

Email:aragtiwanaagsan@gmail.com

Facebook:abdiazizyonis.

Tell:4175733.

Hargeysa,Somaliland.