
Sababta Uu Mesut Ozil Ku Seegayo Kulanka Burnley Ee Galabta Ka Dhici Doona Turf Moore Oo La Ogaaday
Kubad sameeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa laga waayay liiska ciyaartoyda Gunners ee wajaheysa galabta kooxda Burnley xilli kooxda ka dhisan waqooyiga London ay u dagaalami doonto iney soo dagto booska afaraad ee horyaalka iyadoo ka sara-mari doonta Spurs.
Wenger ayaa soo saaray liis ka kooban 18-ciyaartoy iyadoo Alex Iwobi uu galay booska Mesut Ozil kaas oo lasoo warinayo inuu xanuun aan la carabaabin wuxuu yahay ku seeegayo kulankana.
Tifaftiraha Mirror qeybta kubadda cagtaJohn Crossayaa soo qoray in Mesut Ozil uu xanuun ku seegayo kulanka ay kooxdiisa Turf Moore kula ciyaareyso Burnley.
Ka hor inta aan la shaacin sababta maqnaashaha, dadyowga kubadda cagta ayaa su’aalo iska weydiiyay maqnaashaha xidigaan reer Jarmal iyadoo ay jireen warar xan ah oo xidigaan la xiriirinayay kooxda Barcelona.
Si kastaba Mesut Ozil waxaa looga soo tagay London inkastoo aan la shaacin nuuca xanuunka haya ee seejiyay kulanka muhiimka ah.
Sababta Uu Mesut Ozil Ku Seegayo Kulanka Burnley Ee Galabta Ka Dhici Doona Turf Moore Oo La Ogaaday
Sababta Uu Mesut Ozil Ku Seegayo Kulanka Burnley Ee Galabta Ka Dhici Doona Turf Moore Oo La Ogaaday