Garsoore Ignacio Iglesias Oo Markii Labaad Sanadkaan Gudahiisa Qalad Ka Galay Barcelona & Shabakadda Marca Oo Xasuusisay Jamaahiirta Kooxda.

0
Monday November 27, 2017 - 15:14:23 in by Burco Office
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoore Ignacio Iglesias Oo Markii Labaad Sanadkaan Gudahiisa Qalad Ka Galay Barcelona & Shabakadda Marca Oo Xasuusisay Jamaahiirta Kooxda.

    Garsoore Ignacio Iglesias Oo Markii Labaad Sanadkaan Gudahiisa Qalad Ka Galay Barcelona & Shabakadda Marca Oo Xasuusisay Jamaahiirta Kooxda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoore Ignacio Iglesias Oo Markii Labaad Sanadkaan Gudahiisa Qalad Ka Galay Barcelona & Shabakadda Marca Oo Xasuusisay Jamaahiirta Kooxda.

Layaab maahan in horyaalka La Liga ay ka dhacaan go’aanno garsoore oo laga caroodo, balse garsooraha caanka ah eeIgnacio Iglesias Villanueva aad loola xiriirinayaa inuu qaatay go’aanka aan Barcelona goolka loogu abaalmarin xalayto markii ay wajaheen Valencia kulan ka dhacay Mastella Stadium, balse waxaa haboon in la xasuusto taariikhda aan wacneen oo ay Balaugrana ka heysato garsoorahaan kasoo jeedaGalicia.

Wuxuu ahaa garsooraha kulan dhacay horaantii sanadkaan markaas oo ay Barcelona barbaro 1-1 ah la gashay kooxda Villarreal markaas oo ay go’aanno garsoore oo muran badan dhaliyay dhaceen intii ay socotay ciyaartaas.

Kulankii dhacay January 2017, waxaa laga soo calaameeyay in laba jeer uu kubad gacanta si cad ugu taabtay daafaca VillarealBruno Soriano, balse labadaba laguma ciqaabin.

Waxey aheyd habeen uu Gerard Pique carooday isla markaana farta u taagay saraakiil ka tirsan maamulka La Liga oo fadhiyay qeybta VIP-da garoonka El Madrigal oo ay leedahay kooxda kubadda cagta Villarreal isagoo muujinaya in go’aamada uu u arkay in looga eexday ay masuul ka yahiin.

Si kastaba go’aanada garsoore ee ka dhaca gudaha La Liga waa kuwa mar walba la arko iyadoo Balaugrana ay guul kaga heshay Malaga intii lagu jiray xilli ciyaareedkaan bilowga ah.