Man United Oo U Diiday Shaqaalaha Duubaya Filimka Taxanaha Ah Ee Man City Inay Gudaha U Galaan Old Trafford Kulanka Manchester Derby

0
Thursday December 07, 2017 - 14:46:11 in by Burco Office
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo U Diiday Shaqaalaha Duubaya Filimka Taxanaha Ah Ee Man City Inay Gudaha U Galaan Old Trafford Kulanka Manchester Derby

    Man United Oo U Diiday Shaqaalaha Duubaya Filimka Taxanaha Ah Ee Man City Inay Gudaha U Galaan Old Trafford Kulanka Manchester Derby

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Man United Oo U Diiday Shaqaalaha Duubaya Filimka Taxanaha Ah Ee Man City Inay Gudaha U Galaan Old Trafford Kulanka Manchester Derby

Manchester United ayaa diiday inay ogolaansho u siiso shaqaalaha duubaya filim cusub oo ku saabsan kooxda deriskooda ah ee ay xafiiltamaan ee Manchester City inay Old Trafford gudaha u soo galaan kulanka Manchester Derby.

Shirkada Amazon Prime ayaa Manchester City ku siineysa 10 milyan ginni inay duubaan dhacdooyinka daaha gadaashiisa ah ee xilli ciyaareedkan 2017-18, waxaana ay rajeynayeen in ogolaansho loo siiyo inay kooxda u raacaan qolka labiska ee Old Trafford kulanka Axada.

Laakiin United ayaa diiday codsigooda ay ku soo geli lahaayeen Old Trafford.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in shaqaalaha duubaya filimkaan inay dhibaato ku noqdeen dhowr kooxood oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

Haddii uu go’aanka United yahay mid ku saleysan sharciyo gooni ah oo u degsan kooxda iyo haddii uu yahay mid ay kaga careysiinayaan kooxda deriskooda ka hor kulanka Axada ayaa ah mid aan la ogeyn.

Filimkaan taxanaha ah oo la filayo in ugu yaraan uu qeyb ka ahaa kooxda Pep Guardiola oo hal koob u dabaaldegeysa ayaa waxaa la baahin doonaa sannadka danbe.

Isagoo maanka ku haya kulanka Manchester Derby ee Axada, tababare Pep Guardiola ayaa isku shaandheyn weyn ku sameeyay shaxdiisa kulankii xalayto ee Champions League taasoo keentay inay guuldarro 2-1 ka soo gaartay kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donestk.

Tababarihii hore ee Bayern Munich ayaa aaminsan in kooxdiisa ay jawaab xoogan bixin doonto ka dib guuldaradii ugu horeysay ee soo gaartay xilli ciyaareedkan.

Natiijada waxa ay soo gabagabeysay 20 kulan oo isku xigta oo ay badisay Man City tartamada oo dhan, waana guuldaradoodii ugu horeysay ee 29 kulan oo ka soo bilaabata bishii April.