Jordi Alba Oo Ku Digtay Real Madrid Isaga Oo Sheegay In Haddii Los Blanacos Ay 19 Dhibcood Hogaanka Kooxdiisa Kaga Hayn Lahayd In Ciyaartoyda Barca La Layn Lahaa

0
Monday January 15, 2018 - 19:30:16 in by salman abdi
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jordi Alba Oo Ku Digtay Real Madrid Isaga Oo Sheegay In Haddii Los Blanacos Ay 19 Dhibcood Hogaanka Kooxdiisa Kaga Hayn Lahayd In Ciyaartoyda Barca La Layn Lahaa

    Jordi Alba Oo Ku Digtay Real Madrid Isaga Oo Sheegay In Haddii Los Blanacos Ay 19 Dhibcood Hogaanka Kooxdiisa Kaga Hayn Lahayd In Ciyaartoyda Barca La Layn Lahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jordi Alba Oo Ku Digtay Real Madrid Isaga Oo Sheegay In Haddii Los Blanacos Ay 19 Dhibcood Hogaanka Kooxdiisa Kaga Hayn Lahayd In Ciyaartoyda Barca La Layn Lahaa

Jordi Alba ayaa xili ciyaareedkan ka mid ah xidigaha bandhiga ugu fiican ka samaynaya Barcelona ee sida wayn uga raystay Luis Enrique isla markaana sida cajiibka ah ula jaanqaaday Valverde wuxuuna isfahan aan la rumaysan karin uu la samaystay Lionel Messi. Jordi Alba oo saxaafada la hadlay kadib guushii 4-2 ahayd ee ay Barcelona ku soo gaadhay Estadio de Anoetaoo ayna hore tan iyo 2007 kii kulan La Liga ah guul ugu soo gaadhin ayaa dareenkiisa ka hadlay.

Jordi Alba ayaa sheegay in haddii ay dhici lahayd in Real Madrid ay 19 dhibcood hogaanka kaga hayso kooxdiisa in ciyaartoyda Barcelona lagu layn lahaa magaalada Barcelona. Jordi Alba ayaan wax sahlan ka soo qaadin 19 ka dhibcood u dhexeeya kooxaha Madrid iyo Barca wuxuuna sheegay in ay tahay farqi aad u wayn.

Ugu horayn Jordi Alba oo ka hadlaya in magaalada Barcelona kooxdiisa lagu dili lahaa haddii ay 19 dhibcood ka hoosayn lahaayeen Real Madrid ayaa yidhi: "Haddii ay Real Madrid 19 dhibcood anaga nagu hogaamin laahyd, waxaa anagu lanagu layn lahaa Barcelona.”.

Jordi Alba oo diirada ku soo jeedinaya 19 ka dhibcood ayaa yidhi: "19 waa farqi aad u wayn, laakiin waxaa waajib nagu ah in aanan ilaawin in Real Madrid ay dagaalami doonto ilaa dhamaadka”.

Intaa kadib Jordi Alba ayaa la waydiiyay sirta ka danbaysay horumar wayn ee ay kooxdiisu gaadhay iyo in ayna ilaa hadda wax guuldaro ah la kulmin wuxuuna yidhi: "Sirtu waa kooxda.Qof kastaaba waxa uu ku lug leeyahay difaacashada, cadaadinta iyo in kubbada dib loogu soo guulaysto inkasta oo ay run tahay in farqiga ay sameeyaan gool dhaliyaashu”.

Ugu danbayn Jordi Alba ayaa wax laga waydiiyay jabinta inkaartii kooxdiisa ka haysatay garoonka Real Sociedad eeEstadio de Anoeta wuxuuna ku jawaabay: ” Anagu waxaanu sii ogayn sida halkan loogu dhibtoodo isla markaana waxaanu garoon aanan waqti aad u dheer k guulaysan ugu guulaysanay saddex dhibcood oo aad muhiim u ah”.

Jordi Alba ayaa xili ciyaareedkan door wayn ku soo yeeshay horumarka kooxdiisa isaga oo Lionel Messi oo kaliya u sameeyay 8 gool caawineed wuxuuna ku raaxaysanayaa mid ka mid ah qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.