Yaa Ku Dhaw Sanchez – CR7 Oo Doorbidaya Old Trafford, Xaaladda Mkhitaryan, Mesut Ozil, Emre Can & Warbixinadii Ugu Dambeeyay Suuqa Oo Lasoo Koobay.

0
Monday January 15, 2018 - 19:41:44 in by salman abdi
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Ku Dhaw Sanchez – CR7 Oo Doorbidaya Old Trafford, Xaaladda Mkhitaryan, Mesut Ozil, Emre Can & Warbixinadii Ugu Dambeeyay Suuqa Oo Lasoo Koobay.

    Yaa Ku Dhaw Sanchez – CR7 Oo Doorbidaya Old Trafford, Xaaladda Mkhitaryan, Mesut Ozil, Emre Can & Warbixinadii Ugu Dambeeyay Suuqa Oo Lasoo Koobay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa Ku Dhaw Sanchez – CR7 Oo Doorbidaya Old Trafford, Xaaladda Mkhitaryan, Mesut Ozil, Emre Can & Warbixinadii Ugu Dambeeyay Suuqa Oo Lasoo Koobay.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa furan, waxaa la marayaa xilli bartama ah – kaliya 15-maalmood ayaa ka haray in albaabada loo laabo – sidaas darteed waxaa aad loo hadal hayaa warar badan oo khuseeya kooxo gaar ah.

Waxaan idiin soo aruurinay wararkii ugu dambeeyay oo ay majaladaha Ingiriiska ka qoreen suuqa iyo wararka aadka looga hadal hayo oo kooban – mid walbana waxaan u celin doonaa halka aan kasoo xiganay – taasoo naga bari yeeleysa inaan masuul ka noqono xaqiiqada iyo jiritaanka warka.


CRISTIANO RONALDO:

(AS)Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu dib ugu laabto Man United – sida lagu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa Spain.

Xidigaan heerka caalami waxaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsaneyn inaan heshiis cusub lagu abaalmarin xilli uu ku jiro marxaladii ugu xumeyd waayahiisa dhanka kulamada maxliga ah.

Lama oga sida ay Red Devils u dooneyso iney xidigaan dib ugu soo celiso garoonka Old Trafford iyadoo waliba siineysa mushaar la mid ah midka Messi.

Pierre-Emerick Aubameyang

(Express)Weeraryahanka Borrusia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang waa mid ka mid ah shaqsiyaadka aadka loola xiriirinayo iney badal u noqon doonaan Alexis Sanchez.

Sanchez wuxuu ku dhaw yahay inuu u wareego Red Devils, sidaas darteedAubameyang ayaa badal u noqo doona kaas oo laga saaray safka kooxdiisa ee kulankii Wolfsburg.

Andre Gomes

(Don Balon) Weeraryahanka reer Uruguay Luis Suarez ayaa doonaya in laga diro Camp Nou xidiga reer Portugal Andre Gomes, taasina waxey qeyb ka tahay talaabooyinka uu ku caawinaayo Philippe Coutinho oo dhawaan kooxda kusoo biiray.

Suarez waxaa la dareensan yahay inuu u sheegay Coutinho – inuu ku qasbi doono Gomes inuu ka baxo garoonka Camp Nou.

Lacagaha Alexis Sanchez:

Manchester City waxey ka dalban doontaa Alexis Sanchez iney siin doonto lacag badan si ay uga ilaaliso xidigaan Jose Mourinho.

Gary Neville ayaa shaaca ka qaaday isagoo adeegsanaya barta twitter-ka in City ay lacag badan u gaari doonto xidiga reer Chile, sidoo kalana xidiga uu doortay Guardiola.

Sidoo kale halyeeygii hore Red Devils wuxuu qiray iney caqli ahaan aad u doonayaan xidigii hore Barcelona madama uu xaalad kale ku jiro Aguero.

Henrikh Mkhitaryan:

Arseanl waaxey doonysaa iney hesho Henrikh Mkhitaryan isla markaana uu ka qeyb noqdo arinta Sanchez – waxaa qorshahaan soo hindisay indha-indheeyahii hore DortmundSven Mislintat kaas oo aad u yaqaana tayada xidigaan heerka caalami.

Sven Mislintat waa shaqsigii ka dambeeyay in Mkhitaryan uu yimaado Dortmund sanadkii 2013, mar kale ayuu doonayaa inuu kula midoobo waqooyiga London.

Mustaqbalka Alexis Sanchez

Express ayaa fahansan in heshiiska uu Sanchez ugu biirayo Man United la dhameyn doono 48-saac ee soo aadan, waana waqtiga uu qabtay Wenger kadib kulankii Bournemouth inkastoo uu diiday inuu carabaabo kooxda uu ku biirayo.

Guardiola wuxuu qirtay in arinta Sanchez uu mugdi weyn ku jiro, xilli uu meesha ka saaray iney u dhaqaaqaan xagaaga.

"Waa ciyaariyahan Arsenal ah”

"Waxaan heysanaa kooxdii aan heysanay, ma garan karo waxa dhici doona mudada suuqa”

Emre Can

Gary Neville ayaa shaaca ka qaaday in Emre Can uu leeyahay tayo ku filan oo uu ugu ciyaaro kooxda Real Madrid ama Bayern Munich.

Emre Can heshiiskiisa wuxuu dhamaanayaa dhamaadka xilli ciyaareedka waxaana wararka qaar ay soo jeedinayaan inuu ku biirayo Juventus.

Neville wuxuu fahamsan yahay in Juventus ay tahay koox xariif ah sidoo kalana ay dhibaato weyn ku noqon karto Liverpool iney lumiso xidig sidaan ah.

Mesut Ozil:

Juventus ayaa lagu soo waramayaa iney xiiso ba’an u qabto saxiixyada Mesut Ozil iyoChristian Eriksen sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Kooxda ka dhisan Serie A-da waxaa lala xiriirinayaa Emre Can, balse sidoo kale labadaan xidig ayey aad u dooneysaa si ay khadka dhexe isaga hubeyso.

Calciomercato ayaa lagu qoray in Bianconerri ay labada xidig indhaha ku heyso.

Andy Carroll:

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa iney amaah ku dooneyso weeraryahanka West Ham Andy Carroll, waxeyna diyaarineysaa heshiis amaah ah oo ay xidigaan ku keento garoonka Stamford Bridge inta lagu jiro bishaan,