Gabar Yar Oo kalluumeysato noqotay ka dib markii aabeheed Uu dhintay

0
Wednesday January 17, 2018 - 09:55:36 in by salman abdi
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar Yar Oo kalluumeysato noqotay ka dib markii aabeheed Uu dhintay

    Gabar Yar Oo kalluumeysato noqotay ka dib markii aabeheed Uu dhintay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabar Yar Oo kalluumeysato noqotay ka dib markii aabeheed Uu dhintay


Laba sano ka hor ayey Muqdisho ku soo laabatay kadib markii uu aabaheed geeriyooday. Si ay biil ugu radiso reerka waxay miciin bidday badda waxayna noqotay gabadha kaliya ee ka midka ah kumannaanka ka kalluumeysta xeebaha Muqdisho.

"Waxaan wadi jiray bajaaj balse dadka Soomaalida ayaa iga celiyeen laakiin waxaan isku dhiirageliyay in aan ahay qof shaqeysan karo maadaama aan shaqooyiin kale waayay", ayey tiri Rayaan oo la hadashay BBC Somali.

Heerka shaqa la'aanta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa aad u sarreeyso, gabdhana ma heli karaan fursado shaqo oo tan raga la siman.

Xilliyadan waxaa dhacaya qaboow daran oo dabeyl wata, mowjado waa weyn ayaa wakhtigan oo kale ka dhaca xeebta badweynta Hindiya ee magaalada Muqdisho.

Balse Rayaan way u adkeysaneysaa dhibaatada oo subax walba waxay u kallahdaa xeebta oo qiyaastii 4km u jirta guriga ay deggan tahay.

Doonta Laashka ee alwaaxa ka sameysan ayey si lamid ah raga kallumeysatada u raacdaan illaa gudaha badda.

 

Rayaan waa gabar ka

Kalluumeysata Muqdisho

18

sano jir

  • 8qof ayuu reerkeeda ka kooban yahay

  • 6caruur ah ayaa la dhalatay

  • 2-12sano jir ayey da'dooda u dhexeysaa

  • Labasano ka hor ay ka tagtay xeryaha Kakuma oo ay Muqdisho ku noqotay

Xigasho: BBC, Rayaan
BBC

Rayaan ayaa sheegtay: "Maalintaan shabaq helo waan ku jillaabtaa, maalintaan makaalin helana waan ku raadsadaa, haddii aan labadaba waayana ookiyaalo intaan xirto Ayaan badda gudaha ugu quusaa."

Ma aha shaqo ay waaya aragnimo u lahayd ama ay jecleyd, waxaana ku qasbay duruufta reerkeeda. lix carruur ah oo da'doodu u dhaxeyso 2-12 sano jir iyo hooyadeed oo xanuunsan ayey ka biishaa waxa ay ka hesho kalluumeysiga.

"Badda gudaha markaan u galo lacag fiican baan ka helaa, balse markaan bannaanka ka jillaabto lacag yar Ayaan ka helaa," ayey tiri.

"Waxaan doorbidaa in aan badda gudaha u galo, inkastoo mararka qaar aan qabowga xamili waayo oo aroortii la galaayo qabowna uu jiro. Sanka ayaa dhiig iga soo daataa mararka qaar."

Rayaan oo dhiiranaan iyo ka go'naansho ay ka muuqdaan ayaa tiri: "Dabcan waxaan is dhahay waad baran kartaa, muddo ka dibna waan la qabsaday waana kaa aniga hadda ka shaqeysanaya".

Dhammaan nuucyada kalluumeysiga ayey muddo kooban oo aan ka badneyn 4 bil ku baratay si aysan shaqadeeda u saameynin isbedelka cimilada iyo xilliyada ay baddu kacsan tahay, balse arrinkaasi khattar kama marna.

Waxay sheegtay in alagaado iyo caqabado ay kala kulanto dad badan
Image captionWaxay sheegtay in alagaado iyo caqabado ay kala kulanto dad badan

Kalluumeysigu ma aha howl haweenka lagu yaqaanno marka Soomaaliya laga hadlayo, sidaasi darteed waxay la kulantaa cadaadis dhanka bulshada ah.

"Waxaan la kulmaa caqabado badan; in ay raga I fowdeeyaan, in dadka qaar ay I caayaan; waxyaabo aysan dhegeheyga aysan dhageysan Karin la igu dhoho. Dheg jalaq uma siiyo; inta I amaaneysaa ka badan inta I cayneysa," ayey u sheegtay BBC Somali.

Howsha guriga; hal qol oo jiingad ka sameysan oo kiro ah oo ku yaalla duleedka bari ee Muqdisho ayey reerka Rayaan oo 8 qof ka kooban ku nool yihiin, malaha koronto iyo biyo, dhaqaalaha yar ee ay soo heshana kama badna cuntadooda laba jeer maalintii ah.


 
Rayaan oo ka kalluumeysata xeebaha Muqdisho

Waxay sheegtay "in aan horumar gaaraan rabaa; waxaan rabaa in aan noqdo qof meel iska soo saartay oo magic Soomaaliya ku leh."

Waxaan rabaa in aan gato doomaha la dhoho foofayaal. Doomo badan ay ii shaqeeyaan. Shaqooyiin aan helo oo qof waxbaratay oo karti leh aan noqdo", ayey hadalkeeda ku dartay.