Madaxwayne Muuse Biixi Ma La Xisaabtami Doonaa Guddigii Abaaraha ee Dadku Tuhunka Ka Qabaan??

0
Wednesday January 31, 2018 - 10:57:59 in by salman abdi
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Muuse Biixi Ma La Xisaabtami Doonaa Guddigii Abaaraha ee Dadku Tuhunka Ka Qabaan??

    Madaxwayne Muuse Biixi Ma La Xisaabtami Doonaa Guddigii Abaaraha ee Dadku Tuhunka Ka Qabaan??

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Muuse Biixi Ma La Xisaabtami Doonaa Guddigii Abaaraha ee Dadku Tuhunka Ka Qabaan??

Xukuumaddu ku dhawaaqday in abaar baahsani jirto ayaa la filayaa markale lacag ururin la sameeyo
Hargeysa (Somalilandtoday)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay dalka ku dhufatay abaar saamaysay ku dhawaad 47% dadka reer Somaliland, taasoo ka jirta dhammaan gobollada Somaliland inkastoo ay u kala badan yihiin.

????????????????????????????????????

Hadaba xukuumaddii hore ee KULMIYE ayaa sannadkii ina dhaafay sheegtay inay ururinayso lacag dhan 10 Milyan oo dollar taasoo ay sheegtay inay dib u dejin ugu samaynayso dadka abaaruhu saameeyeen.
Tan iyo wakhtigaas shacbiga Somaliland ayaa is waydiinyay sida loo maamulay lacagtii soo gaadhay guddiga abaaraha oo uu gadhwadeen ka ahaa madaxwayne kuxigeenka Somaliland sidoo kalena uu wasiirka diinta iyo awqaaftu uu ka mid ahaa, inkastoo ay sheegeen inaanay 10-kaas milyan soo wada gaadhin.
Sidoo kale wasiirkii hore ee qorshaynta Maxamed Ibraahim Qabo ayaa sheegay inay bariga iyo galbeedka dalka ka hirgalinayaan biyo xidheeno lagu iisho marka abaartu soo ifbaxdo.
Hase yeeshee illaa hadda ma jirto dib u xoolayn loo sameeyey dadkii abaartu saamaysay, waxaana ay arrintani imanaysaa iyadoo abaar tii hore ka daran la filayo inay bilaha soo socda dalka soo wajahdo.
Ugu dambayn shacbiga Somaliland ayaa is waydiinaya inuu guddoomiye Muuse Biixi la xisaabtami doono guddigii abaaraha ee hore oo xubnihii ugu muhiimsanaa hadaba joogaan.