PUNTLAND: Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Garoowe

0
Wednesday January 31, 2018 - 11:29:28 in by salman abdi
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PUNTLAND: Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Garoowe

    PUNTLAND: Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Garoowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

PUNTLAND: Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Garoowe

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay kaalin shidaal oo ku taallay magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland.

Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay arkayeen gaari booyad ah oo kaalinka shidaal ku shubeysay uu dabka ka kacay, islamarkiina uu ku baahay xarumo kale ganacsi oo halkaasi ku yaallay.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku geeriyootey Labo qof oo goobta ku sugnaa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhowaad Shan qof.

Ma jirin wax dab damis ah oo goobtaasi gaaray, balse shacabka ayaa ku guuleystay in dabkankaan ay damiyeen.

Khasaaraha ayaa intaan ka badan kara, sababtoo ah weli waxay dowladda hoose ee Garoowe sheegeysaa in laga yaabo in dad ay ku dhex gubteen xarumo ganacsi oo halkaasi ku yaalla, ayna wadaan baaritaan.