HALISTA CUDURKA EBOLA IYO WARMOOGANANTA SHACABKA SOMAALLAID

0
Sunday August 10, 2014 - 14:47:11 in by salman abdi
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALISTA CUDURKA EBOLA IYO WARMOOGANANTA SHACABKA SOMAALLAID

    Cudurka Ebola waa cudur khatar badan kuhaya caalamaka sanadadan ugu dambeeyey,khaasatan wadamada Africa oo uu faro ba'an uu ku hayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka Ebola waa cudur khatar badan kuhaya caalamaka sanadadan ugu dambeeyey,khaasatan wadamada Africa oo uu faro ba'an uu ku hayo.


Cudurka Ebola waa cudur ka mida cudurada dhakhso u faafa bulshada dhexdeeda waxaan keena Virus layiraahdo Ebola Virus,kaas oo soo shaac baxay sanadkii 1976 lagana helay Africa,waqtiyadaa waxaa loo bixiyey (African Hemorrhagic Fever).

Cudurkan Ebola waa cudur aad halis u ah meeshii uu ka dilaaco,kaas oo samayn kara dhamaan bulshada oo dhan noocyadeeda kala duwan,hadaba waxaan maanta hadii alle idmo,astaamaha cudurkan,ka hortagiisa iyo talo bixin kooban hadii Alle idmo.

Cudurkan Ebola waa cudur leh calaamado sida cudarada kale ee jira,waxaa ka mida calaamadihiisa kuwa ugu waa weyn ee uu leeyahay cudurkan

A. xummad aad usaraysa
B. Muruqyo xanuun
C. indhaha oo qofka casaada(red eyes)
D. Maqaarka finin yesha(skin rash)
E. Calool istaag,shuban,iyo calool xanuun.
Nb.calaamadaha marka uu cudurku cusub yahay(Acute syptoms)
F.jidhka oo dhiiga(bleeding/hemorrhaging from skin)
G. dhegaha oo dhiiga iyo xubnahahoose ee jidhka(orifices, internal organs)

Cudurkan inta badan way adagtahay in la ogaado sidaa darteed waa in loo dhug yeeshaa.
Xaga daawaynta cudurkan malaha wax daawo ah ee ilaa hada loo hayo,ama la isku raacsan yahay,oo ilaa hada la ogaaday laakin waxaa qofka lasiiyaa waxyaabo qofka siiya inay ka yareeyaan dhibkiisa(Patients receive supportive therapy) taas oo qofka siisa ka yarayn xanuunka.
Cudurkan inta badan wuxuu leeyhaya ka hortag hadii alle qadaro,hadii lasameeyo oo lagu dadaalo waxaana ka mida
• . In bukaha la gaar yeelo(Patients are isolated)
• In la tababaro shaqaalaha caafimaadka oo u nugul(Medical Staff Training )
• In la xadido habka gudubka caabuqa(Infection-control Measures)
• Inaad ku dadaasho nadaafada gacmaha cuntada korhor iyo ka dib(hand washing)
Nb, Hadii qofku tiisa noqoto walalayaal aynu isagaarno xaaladiisa maydhida u ilaalina si ka duwan kan si kale u dhintay)

Waxaan dhamaan ka codsanayaa cidkasta ooo mas’uuliyadi ka saarantahay xaalada caafimaad ee ummadeena inay xil iska saaraan cudurkan,iyadoo la ogyahay awooda caafimaad ee dalka.

Isku soo wada duuboo bulshada reer soomaliland ayaan wax xoga oo badan ka heysan gebi ahaanba xanuunka waxan u soo jedinlaha in layska ilaaliyo lagana foojignaado cudurkan khatarta ah ee EBOLA
Waxaan idin la wadaagayaa sawiro muujinaya cudurkan iyo meelihii u ka dilaacay sanadkan walaalayaal.


Waxaa diyariyay
Dr mahmoud abdirahman ismail {rush}
Bs.for Health Officer,Candidate general surgery
Hargeysa Somaliland