Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Deegaano Hoos Yimaada Lughayaha Gaadhsiyay Qalab Waxlagaga Qabanayo Doox Ku Fatahay Beeraha
halkaasi oo beero ku yaala deeganadaasi oo uu daadku waxyeeleeyey uu wasiirku soo indho indho indheeyey, isla markaana furay wejiga hore ee wax lagaga qabanayo dooxa ku soo fatahay tuulada Hul-xudhuunle ee ka tirsan deegaanka Gargaara oo hoos timaada degmada Lug-haya.
Weftigan uu wasiirka beeruhu hogaaminayo ayaa waxa ka mid ahaa oo La taliyaha Wasiirka Ibraahim Carab, Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi, Maamule ku xigeenka hay’adda Life International Nait Beggs oo ah hay’ad wasaaradda ka taageeraysay hawlahan lagu xidhanayo dooxa waxyeeleeyey beeraha deegaanka Hul-xudhuunle.
Wasiirka Beeraha iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa maalintiii shalay bilaabay hawlaha lagu xidhayo dooxan oo ay beeralaydu hore cabasho ugu soo gudbiyeen wasaaraddu inay wax kala qabato, iyada oo uu wasiirka iyo masuuliyiinta wasaaraddu ku guulaysteen wax ka qabashada arintaasi.
Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo ka hadlay ujeedada hawshan iyo sida ay uga hawl galeen wax ka qabashada beeraha ay uu dooxu waxyeeleeyey ayaa waxa uu yidhi "Waa masuuliyad na saaran in wixii aanu ka qaban karno dhibaatooyinka beeralayda haysta ka qabano anaga oo marayna kolba meeshii ILAAHEY noo sikhiro”.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi "Waxaanu si weyn ugu mahadnaqaynaa hay’adda Life International oo wasaaraddu ma hayso miisaaniyad ay beeraha dalka oo dhan wax kaga qabato, balse waxaanu cabashadiina u gudbinay hay’addan Life International oo ah hay’ad u dhago nugul wasaaradda”.
Wasiirka ayaa ka hadlay deeq ay wasaaradda Beeraha iyo hay’adda Life International u sideen dadka deegaanka waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya "Hay’adda Life International ayaa ka soo jawaabtay baahidiinii aad noo soo gudbiseen, gabyankaasi (Siliga lagu xidho dooxa fataha) iyo laba tan oo Bariis ah oo bariiskii bacaha yar ku jiray ah oo loogu talo galay dadka hawsha qabanaya, waxoogaa kabihii ah oo loogu talo galay dadkan deegaanka, waxaanay wasaaraddu ku dartay woxoogaa siidh ah, Insha Allah waxaan ILAAHEY ka rajaynayaa in idinkuna qaybtiina aad lahaydeen oo xoogii ah aad ka qayb qaadan doontaan”.
Wasiirka ayaa sheegay inaanay wasaraddu halkaasi kaga hadhi doonin "Wasaaraddu intaasi kaga hadhi mayso, kolba waxaanu idinla qaban karno waanu idinla garab taaganahay”.
Caaqil Muuse Cisman Dugsiiye oo ah caaqilka deegaanka Hul-xudhuunle oo ka tirsan deegaanka Gargaara ee hoos yimaada degmada Lug-haya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey wadada ay hawshani soo martay, waxaanu yidhi "Waxaan idiin sheegayaa in wasiirka na soo maray oo aan baahidayadii ahayd daadkii naga qaaday beeraha iyo Kanaalada aanu samaysanay, ILAAHEY wuu u fududeeyey waanay noo soo qiyaaseen oo intii ay noo soo heleen way inoo keeneen, baahidayadiina waxbay ka qabanaysaa, inta kalena waanu ka sugaynaa”.
Maamul u ku xigeenka hay’adda Life International Nait Begga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yaha y fursada uu u helay inuu Somaliland ka shaqeeyo.
Nait oo arrimahaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Aadbaan ugu faraxsanahay farsada aad ii siiseen inaan Somaliland ka shaqeeyo, waxa socda horumar waxaanad aad u farxaysaa markaad nabad dalka taalo aragto iyo horumarka bulshada
Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Deegaano Hoos Yimaada Lughayaha Gaadhsiyay Qalab Waxlagaga Qabanayo Doox Ku Fatahay Beeraha
Wefti uu hogaaminayo wasiirka beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa safar shaqo ku tegay Deegaano hoos yimaada Degmada Lug-haya,