Hargaysa:- Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Cashiro Ku Saabsan Dhaqanka Iyo Sugaanta U Dhigay Ardayda Jamacada Admas

0
Thursday April 26, 2018 - 09:23:59 in by salman abdi
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:- Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Cashiro Ku Saabsan Dhaqanka Iyo Sugaanta U Dhigay Ardayda Jamacada Admas

    Waxa habeenkii xalay ahaa magaalada Hargeysa lagu qabtay bandhig suugaaneed iyo wax ka ogaanshaha Cilmaaniyada kaas oo ay soo wada abaabuleen jaamacada ADMAS iyo abwaan Yuusuf Shaacir oo ka dhacday xarunta guud ee jaamacada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa habeenkii xalay ahaa magaalada Hargeysa lagu qabtay bandhig suugaaneed iyo wax ka ogaanshaha Cilmaaniyada kaas oo ay soo wada abaabuleen jaamacada ADMAS iyo abwaan Yuusuf Shaacir oo ka dhacday xarunta guud ee jaamacada

kana soo qayb galeen ardayda kala duwan ee dhigata jaamacada,maamulka jaamacada oo uu ugu horeeyo Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Prof. Xuseen Cabdilaahi Maxamuud, Madaxda kuliyadaha kala duwan ee jaamacada iyo waliba marti sharaf kale.

 

Kulankani oo loogu magac daray Habeenka Admas Iyo Yuusuf Shaacir ayaa ahaa mid balaadhan oo ay ka muuqatay in mawduuca uu abwaanku ka hadlayey ay aad ugu dhag-taagayeen ardayda iyo waliba martidii kala duwanaa ee ka soo qayb gashay kaasi oo uu abwaankunaaad ugu dheeraaday waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Cilmaaniyad,Caqlaaniyad iyo waliba eraybixino kala duwan oo wakhtiyadan danbe aad loo adeegsado.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo ku dheeraaday ahmiyada balaadhan ee sugaanta iyo afka hooyo uu leeyahay kaasi oo ardayda ku booriyey in ay si weyn uga faa’iidaystaan aqoonyahanadooda kala duwan ee sida abwaan Yuusuf Shaacir oo kale ah kaasi oo tilmaamay in ka jaamacad ahaan si weyn uga qayb qaataan qaybaha kala duwan ee lagu dhiso caqliyada dhalinyarada waxaanu xusay in dhawaan ay bilaabi doonto koobka kubada cagta oo sanad kasta loo qabto kuliyadaha kala duwan ee jaamacada iyo sidii ay ardaydu uga qayb qaadan lahayd barnaamij maalgalin oo todobaadka fooda inagu soo haya la daah-furi doono.

 

Intaa kadib waxa si toos ahaa mawduuca kadiskaasi oo uu qayb weyn ka qaatay Abwaan Yuusuf Shaacir kaasi oo si weyn u taabtay Cilmaaniyada iyo bilawgeedi kaas oo ka sheekeeyey sida qotoda dheer ee aayar aayarka ah ee ay dadka iyo dhaqanka somalida ula fal-gashay waxaanu xusay in dad badan oo hargeysa ku nool ay aaminsan yihiin waxaanu tusaalayaal buuxa u soo qaatay waxyaabaha ay cilmaaniyada lafteedu ku kala sareeyaan kaasi oo sheegay labadas oo kala ah Cilmaaniyad badh ah iyo Cilmaaniyad buuxda oo uu sheegay Abwaan Yuusuf Shaacir in Cilmaaniyada badhka ah ee uu qofku aaminsan yahay ay taa uusan qofku gudihiisa aanu ogolayn wax kasta oo diinta la xidhiidha lakiin aysan dibada uga soo ifbixin waxaanu sheegay in uusan qofkaasi si looga dareemo uusan ka hor iman filicada ay sameeyaan dadka islaamku sida Salaada iyo Soonka halka cilmaaniyada buuxda uusan qofku aanu ogolayn wax diin ah.

Geesta kale Abwaan Yuusuf Shaacir waxa uu halkaasi si balaadhan u sharaxay ahmiyada ay leedahay in la ogaado Caqlaaniyada oo ah fikrad kale oo iyadna si weyn guud ahaan dunida ugu soo badanaysa taasi oo uu ku saleeyey in uu qofka aaminsan fikirkaasi wax kasta oo uu qaadayo ku saleeyo Qaligiisa oo wixii ka hor imanaya caqligiisa uu ku sheego daciif kaasi oo lagu tilmaami karo in caqligiisa diciifka ah uu kaliya aaminsanyahay.

Gebo-gebadii waxa halkaas Su aalo lagu waydiiyey Abwaanka oo ay waydiiyeen dadkii ka soo qayb galay kaasi oo dhamaan uga jawaabay waxa kale oo uu talo soo jeedin guud ku sheegay in la sameeyo meel lagu kaydiyo xogta ay hayaan Abwaanada soomaaliyeed kaasi oo sheegay in abwaanka ka dhinta dadka soomaalida lagu tilmaamo Qaamuus,kaydiye iyo hal-abuur la god galay xogo badan oo uu hayey.