Washington:-Kanye West oo tilmaamay in addoonsigu uu istikhiyaar ahaa.

0
Wednesday May 02, 2018 - 09:13:36 in by salman abdi
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Kanye West oo tilmaamay in addoonsigu uu istikhiyaar ahaa.

    Washington:-Kanye West oo tilmaamay in addoonsigu uu istikhiyaar ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Kanye West oo tilmaamay in addoonsigu uu istikhiyaar ahaa.

Fanaanka caanka ah ee Maraykanka Kanye West ayaa sheegay in laga yaabo in ay "istikhiyar ahayd" adoonsigii lagula kacay Maraykanka Madaw muddo haatan laga joogo boqollaal sano.

"Marka aad maqasho 400 oo sano kahor... 400 oo sano? Taas waxay u dhadhamaysaa in ay istikhiyaar ahayd," ayuu yiri mar uu ka soo muuqday bogga maaweelada ee TMZ.

Xiddigan ayaa ciwaannada saxaafadda qabsaday dhawaan ka dib markii uu shaaciyay sida wayn ee uu u taageero madaxweyne Trump.

Dadka madaw ee Maraykanka ah ayaa Afrika xoog lagaga kaxeeyay iyaga oo Maraykanka la geeyay qarniyadii 17, 18 iyo 19, waxaana loo gaday adoomo ahaan.

Hadalka Kanye ka soo yeeray Talaadadii oo uu sii raaciyay "haddadan la joogana inagaa dooranayna in la ina adoonsado" waxaa ka carooday Van Lathan oo ka mid ah shaqaalaha madaw ee barta TMZ.

Lathan ayaa sheegay in ay u muuqato in fanaanku uu hadalkan yirin isaga oo aan maankiisu joogin"

"Waad rumaysan kartaa wixii aad rabto, laakiin waxaa meesha yaala xaqiiq, duni dhab ah, iyo saamayn nololeed oo ka dambaysa waxkaste oo aad hadda tiri," hadalkaas ayuu yiri fannaanka oo tagan.