Ogow Goortii Ay Salah Gashay In Geedigiisii Chelsea Gunaanad Yahay

0
Sunday May 06, 2018 - 18:35:39 in by salman abdi
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogow Goortii Ay Salah Gashay In Geedigiisii Chelsea Gunaanad Yahay

    Ogow Goortii Ay Salah Gashay In Geedigiisii Chelsea Gunaanad Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ogow Goortii Ay Salah Gashay In Geedigiisii Chelsea Gunaanad Yahay

Mohamed Salah waxa uu garowsaday in uu ka tago Chelsea kaddib markii ciyaar laga saaray qeybtii nasashada.

Laacibka reer Egypt waxa ay Chelsea ka soo iibsatay 2014 balse wey ku adkaatay in uu la qabsado Blues oo xilligaas loolan ugu jirtay horyalka.

Salah waxaa la siiyey fursad uu isku soo bandhigo kulan ay Chelsea dhammaadkii ol’olahaas kula dheeleysay Norwich balse Mourinho waxa uu badalay qeybtii nasashada.

Ciyaarta waxa ay ku dhammaatay goolal la’aan taas oo keentay in Chelsea ka harto loolanka, waxaa la wariyey in Mourinho canaantay Salah.

Sida laga soo xiganayo The Sun, kulankaas Norwich waxa uu noqday kii u xaqiijiyey Mohamed Salah in uusan mustaqabal ku lahayn Stamford Bridge.

Ciyaaryahanadii kooxda kala tirsanaa waxa ay qabeen aragti ah in Salah kooxda laga riixayo marka laga yimaado in uu bandhigyo fiican ku sameenayey tababarka.

Mourinho si shaaric ah wali uma qiran in uu ka qoomameeyo iibintii Salah.