Ilmadii galoolka! WQ: Bashiir Raacdeeye

0
Thursday August 21, 2014 - 08:15:11 in by Super Admin
  • Visits: 1725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilmadii galoolka! WQ: Bashiir Raacdeeye

    Waagu waa gu'.waa goor barwaaqo ah.gobolkasta iyo gurikasta naxariista guulle ayaa gaadhay.geyigu nabad ayuu ku naaloonayaa.dhiillo iyo colaad dadku way ka guureen.maalin axad ah .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagu waa gu'.waa goor barwaaqo ah.gobolkasta iyo gurikasta naxariista guulle ayaa gaadhay.geyigu nabad ayuu ku naaloonayaa.dhiillo iyo colaad dadku way ka guureen.maalin axad ah .

goor barqo-dheer ah ayaa maskaxdayda dareen ku so dhacay.markaan gorfeeyay,hadba dhinac ka eegay.waxaan go’aan ku gaadhay;inaan baadiye u boqoolo oo nafta aan hawada iyo saxansaxada dhulka uu guulle abuuray aan u dalxiis geeyo. Goor casara ayaan moodhikaar food iyo bagaaraha ka fuulay.jidka dheer ee hawdka iyo burco isku xidha ayuu cagta saaray.waddadu waa xagaaf.korandaallo iyo god-god ayay leedahay.marmarka qaarkoodna hallaasi ayay noqonaysaa.waxaanu sii guuraynaba,nabad ayaan ku gaadhnay goobtii aan rabay.moodhikaarkii ayaan ka soo degay.ciid aad moddo xinne ayaan cagta saaray.hawo aad mooddo samsam ayaa I saaqday.

Tuulada aan gaadhiga kaga degay dhawr maqaaxiyood ayaa ka shidan .tiriig ayaa ilays iyo nuur u ah.dadka jooga maqaaxiyaha intooda badani waa dhalinyaro. Qaad ,sigaar iyo shaah ayay isku shidiyaan.tuulada cid ka garan maayo. qoyskaan rabay inaan booqdana goor ayay hore ka caraabeen raggii tuulada uga soo shir tegay.maqaaxi ayaan ka cunteeyay.goor dambe ayaan nin is garanay.bariido iyo kaftan ka dib,meel aan seexdo ayuu geeyay.

Waagi markuu beryay ee nin iyo geed la kala gartay ayaan toosay.maqaaxi shidan ayaan imi.dadka maqaaxida joogaa way ka duwan yihiin dadkii xalay fadhiyay;tiradoodu ma badna.da’adooduna waa meel dhexe.dab ayay kulaalayaan waayo dhaxan ayaa dhacaysa shaahina ma bislaan.

Barqo dheer ayaan tuuladii ka tegay.wadiiqo dhanka koonfur galbeed uga baxda tuulada ayaan cagt saaray.boodh ma leh wadiiqadu.qoraxduna kulayl ma leh.dhulka xareed ayaa wadhan.gelgelinkasta iyo godkasta xareed ayaa buuxisay.galkasta intii muggiisa ahayd ayay xareedu fadhida shinbiruhuna ka giigeen.wadiiqadu marmarbay baaba’aysaa,laakin nin dalyaqaan ah ayaa ila socda oo geedkasta iyo goobkasta u abtirinaya.cabsiye ima hayso waayo nin geeljire ah ayaa gadhwadeen ii ah.tallaabada dhulka ayaan ka dhowrayaa.waayo dhiidhi iyo dhoobo ayaa dhulka haysata.socdaalka dheer umaan baran haddna waan istiilayaa si aanan u daalin,laakiin ninka ila socda isagu aad ayuu u dheeraynayaa.anigu waan daba socda sheekona waan ku asqaysiiyay si aanu socodka isugu ilaawin oo aanu iiga dheerayn.magiciisu waa dubbe.waa nin dheerkiisu meel dhexe yahay.waxa garabka u saran alaab uu go’iisa ku duubay.gacantana caagad ayuu ku sitaa.waxa uu xidhan yahay shaadh liimiya iyo macawus ruugga u joogta.laba kabood o sandhal ah ayuu xidhan yahay.waa nin tima jilicsan oo madaw.waxa uu sita budh.waa geeljire.waxa uu ku caraabayaa geelisii anna meel u dhaw ayaan ku socdaa ooh age ayaan ka soo dhigtay si uu ii gaadhsiiyo halkaan rabay.

Goor casarkii ah ayaan imi halkii aan rabay.daal iyo diif ayaa iga muuqda haddana jawiga udgoon ayay laabtaydu u guuxaysaa.

daalkii I hayay waxaan ku ilaaway degaankan bilicsan.waxaan u dhaqaaqay dhanka beri anigoo sanka la raacaya tigaadda udgoonkeeda.

maxa dhir iyo geedo kala jaad ah guulle abuuray?.geed sare,geed hoose iyo geed dhexe.meelkasta xareed ayaa wadhan oo way yartahay inaad hesho meel ad lug dhigto.cida shinbraha hadba dhinac u gooshaya ee aad mooddo inay gelbis iyo dabaaldeg ku jiraan ayaan marmar indhaha la raacaya.

Waa keligay oo wehel ilama socdo,meel cidla ah ayaan soo gaadhay sidaan naxariista guulle iyo quruxda deegaanka ay naftaydu jeclaysanaysay.

Mar qudha ayaa jawgii isbedelay!.dhirtii iyo geedihii cagaarna midabkoodi is bedelay!.xareeddii wadhnayd gelgelinkasta laga nuugay oo meel boodhweyn lag dhigay!.meelkasta oo ishu aanay ka go’ayn,waxa laga dhigay meel habaar qabta,dhulkii saxare ayuu noqday.kulayl iyo omos ayaa qabsaday.dabayl kulul oo aad mooddo hanfi ayaa hadba dhinac igaga soo dhacaysa!.camuud kala jaad-jaad ah ayaa dhulka ku goglan!.sanqadh iyo xarakaad ayaa ii baxaya.cabsi iyo baqdin ayaan dareemayaa!.cirka ayaan eegay,daruuro aad mooddo dhinbiilo dab ah oo dhowr midab ah oo sida gantaalaha u cabbaysan ayaa igu soo maqan!.cagta ayaan wax ka deyay!. Anigaan tallaabo dhaqaajin ayaan afweyn goostay !.

Gaysh dudumooyin ah oo guclaynayaa ayaa geeskasta ka soo baxay!.qudhac iyo bilcil,qansax iyo qadhoon,xoday iyo jeerin,jillab iyo dhafaruur intaas oo geed oo baqayo roganaya oo aad mooddo kamaandows oo gaado ka cayaar samaynayaa ayaa jihada galbeed ka soo baxay!.goosan galoola oo ilmaynayaa oo mid laangadhe ah ku jiro iyo kuman yaal qudhanjo ah oo aad mooddo in la rifay!.

Intaas oo kala duwan ayaa is-weer iga qabtay oo markasta igu soodhawaanaya.garan mayo wax aan sameeyo.orod igu ma jiro.hadalkii iga soo bixi-maayo.yaab iyo baqdin ayaa isu kay galay!.

ma dunidii ayaa lo rogay?.ma dhirtii ayaa mudaharaad samaynaysa mise waa dhoolla-tus iyo carbis? Mise ciyaar ayay tumanayaan? Ma laba geed ayaa is aroostay? Ma aniga ayaa lay soo dhaweynayaa? Ma dhul jin ayaan oo ka caaggan aadamaha ayaan soogalay?.waydiimahaas ayaan naftayda ku waydiinayaa.

Cod ayaan maqlay haddana maan fahmin.indhaha ayaan kala qaaday.waxaan arkay;dhirtti oo socdkii joojisay.kursi xagga hore la soo dhigay iyo geed galoola oo tukubaya oo kursiga ku fadhiisanayaa!.geedkaas galoolka ah, diif ayaa ka muuqata.silic ayaa ka muuqda!.maydhax ma leh!.canbuul ma leh!. Qodax ma leh!. Waa geed cad oo aan mooddo inuu yahay boqol jir!.hadal ayuu bilaabay geedkii isagoo ilmanayaa!.waxa igu soo dhacay " ma boqorkii dhirtaa geedkani?!”

" xagaad ka timi?!”, ayuu igu yidhi galoolkii.

"waxaan ka imi burco!” ayaan ku idhi,

"maxaad doonaysay?!” ayuu galoolkii yidhi.

"dalxiis ayaan ahaa” ayaan ugu jawaabay.

"waxaan la ilmanayo miyaad garan?!” ayuu galoolkii yidhi.

"maya.garan mayo” ayaan ku idhi.

" haa,waa run oo garan maysid!? Ayuu galoolkii yidhi,

"ka waran ;ninka wiilkiisi curad la gubay ee hablihiisii gaashaantiga ahaa lagubay .walaalkii,adeerkii ,ilma-adeeradii iyo dhammaan qoyskiisii lagubay ?!”

"ninkaas nololi uma taal " ayaan ku idhi,

"ninka sidaas loo gubay ehelkiisii haddana waxa uu waxkasta ku caawiyaa kii dadkiisii iyo ehelkiisi gubay ee ka-gardaranaa” markaas ayaan ka dhex galay hadalkii oo aan ku idhi,

"yaa sidan sameeyay?yaa se lagu sameeyay?”

Waxa uu yidhi galoolkii. "waxa lagu sameeyay dhibkan waa dhir-weynaha oo dhan gaar ahaan aniga oo galoolka ah.cidda waxa samaysayna waa;soomaalida!.waxaanu idin siina hadh.waxaanu idin siina cunto.waxaan idinka caawinaa haynta ciidda wanaagsan iyo di’ista roobka.waxaanu idinka ilaalinaa dabaysha.waxaanu idin ka caawinaa inaad waxkasta naga samaysataan sida dharka ,daawooyinka iyo kiriimada laysku qurxiyo haddana waa na gumaadeen.waa na gubteen.waa na goyseen.meelkasta tog iyo waddo ayaa ka samayseen oo marku roobku da’o ay biyuhu maraan ,dhirtuna haraad awgeed ayay "qallaleen”!, anigu galool ahaan;waxaan siiyaa soomalida,maydhax,asal,iyo canbuul haddana dhibka ugu badan ayay I gaadhsiiyeen.waad aragtaa !waxaan halkan ku joogaa wax yar !.intii kale soomalida waydii?!”



Qore;Bashiir Raacdeeye

Raacdeeye.1@gmail.com

Burco,somaliland