Fanaanadda Reer England Dua Lipa Oo Barta Twitter-ka Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya Iney Xiriir Jaceyl La Wadaagto Marco Asensio.

0
Wednesday May 30, 2018 - 10:49:14 in by salman abdi
  • Visits: 1376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaanadda Reer England Dua Lipa Oo Barta Twitter-ka Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya Iney Xiriir Jaceyl La Wadaagto Marco Asensio.

    Fanaanadda Reer England Dua Lipa Oo Barta Twitter-ka Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya Iney Xiriir Jaceyl La Wadaagto Marco Asensio.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaanadda Reer England Dua Lipa Oo Barta Twitter-ka Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya Iney Xiriir Jaceyl La Wadaagto Marco Asensio.


Fanaanadda reer England Dua Lipa ayaa beenisay wararka xanta ah ee lagu sheegay iney xiriir jaceyl la wadaagto xiddiga Real Madrid Marco Asensio maalmo kadib markii ay kasoo muuqatay xafladii lagu xirayay koobka Champions League.

Gabadhaan 22-jirka ah ayaa lagu casuumay iney ka heesto final-kii koobka yurub ee ka dhacay Kiev markaas oo ay Liverpool 1-3 qasaaro ah ka qaadatay Real Madrid.

Wargeyska kasoo baxa gobolka Catalonia eeEl Periodico ayaa daabacay in xiriir jaceyl oo mug leh uu ka dhaxeeyo Dua Lipa iyo Marco Asensio isla markaana ay ku kulmeen Hotel ku yaala magaalada Kiev.


Gabadha heesaaga ah ayaa biyo qabow ku shubtay wararka ay baahiyeen warbaahinta reer Spain, waxeyna barteeda twitter-ka kusoo qortay ineysan waligeed la hadlin iskaba dhaaf iney la kulanto.

"Xitaa lama kulmin Marco Asensio, waa wax aan suuragal aheyn inaan waligey sameyn doono maadaama gudoomiyaha taageerayaasha Liverpool uusan waligiis i cafin doonin” ayey kusoo qortay barteeda twitter-ka.

Sidoo kale waxey taageero soo weydiiyay sida ay xantaan ku keeneen warbaahinta Spain ugu jawaabtay: "Aniga ahaan wax fikrad ah kama heysto”