Washington:-Mareykanka oo Canshuur ku soo rogay alaaba ka soo galo Midowga Yurub

0
Friday June 01, 2018 - 08:01:29 in by salman abdi
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Mareykanka oo Canshuur ku soo rogay alaaba ka soo galo Midowga Yurub

    Washington:-Mareykanka oo Canshuur ku soo rogay alaaba ka soo galo Midowga Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Mareykanka oo Canshuur ku soo rogay alaaba ka soo galo Midowga Yurub

Midowga yurub, Canada iyo Mexico ayaa sheegay iney ka aarsanayaan Mareykanka canshuurta uu ku soo rogay biraha iyo alumuniumka waddamadaa laga soo geliyo.

Canshuurta uu mareykanka ku soo rogay alaabadaasi waddamadaa ka soo galo waxuu ku dhawaaqay saqdi dhexe ee caawa xilliga Washington.

Wuxuuna soo rogay canshuur dhan 25% biraha laga soo geliyo waddamadaas iyo 10% alumuuniumka laga soo geliyo Midowga yurub, Canada iyo Mexico.

Xogahayaha ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross, wuxuu sheegay iney Midowga Yurub ku guul darreysteen iney ka faa'ideystaan labadi bilood ee canshuur dhaafka la siiyey.

Wadahadallada dib looga eegayo canshuuraadka la xidhiidha Canada, Mexico iyo Waqooyiga Mareykanka wuxuu qaatay "wakhti ka badan intii looga tala galay", sidaa darteed Washington waxay go'aansatay ayuu yiri iney joojiso canshuur dhaafka ay waddamadaasi u sameyn jirtay.


Britain ayaa waxay sheegtay iney go'aanka Mareyknaka uu qaatay ay "aad uga niyad jabsan tahay" kaddib marki ay toddobaadyo wadxaajood arrintani ku saabsan ay u socdeen labada dhinac.

Ra'isal wasaaraha Canada Justin Trudeau
Image captionRa'isal wasaaraha Canada Justin Trudeau

Ra'isal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa wuxuu canshuurta uu soo rogay Mareykanku uu ku tilmaamay "mid aad u xun" taasoo waxyeelleyneyso xiriirrka dheeraa ee u dhaxeeyey Canada iyo Mareykanka, gaar ahaanna kumannaanka askari ee u dhashay dalka Canada ee ka garab dhintay iyaga ka garab dagaallamaya ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afqaanistaan.

Wasiirka dhaqaalaha ee Mexico yaa wuxuu dhankiisa ka sheegay iney qorsheeynayaan waajibaadki canshuurta ee ay marin lahaayeen biraha, lugaha doofaarka, tufaaxa, canabka iyo blueberries (midho canab u eg) iyo chiiska ee ay mreykanka ka soo galo sidi ay yeeli lahayeen.

Madaxweynaha Mareykanka Donald trump bishi March ayuu ku dhawaaqay qorshahiisa ku aaddan in canshuur lagu soo rogi doono biraha iyo alumuniumka (jaandiga) dalka laga soo geliyo dibadaha.

Canada, Mexico iyo Midowga Yurub waxay Mareykanka u dhoofiyaan Bira iyo Aluminium qiimahiisu gadhay $23 bilyan oo doolarLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCanada, Mexico iyo Midowga Yurub waxay Mareykanka u dhoofiyaan Bira iyo Aluminium qiimahiisu gadhay $23 bilyan oo doolar

Go'aanka Mareykank ayaa la filayaa inuu dagaal ganacsi oo hor leh uu ka dhex abuuro Waddamada Midowga Yurub, Canada iyo Mexico.