Caalamka:-Madaxweynaha Suuriya oo booqasho ku tagaya Kuuriyada Waqooyi.

0
Monday June 04, 2018 - 09:37:21 in by salman abdi
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Madaxweynaha Suuriya oo booqasho ku tagaya Kuuriyada Waqooyi.

    Caalamka:-Madaxweynaha Suuriya oo booqasho ku tagaya Kuuriyada Waqooyi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Madaxweynaha Suuriya oo booqasho ku tagaya Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Suuriya ayaa qorshaynaya in uu booqasho rasmi ah ku tago Kuuriyada Waqooyi, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda ee Kuuriya Waqooyi.

Madaxweynaha Suuriya oo lagu wado in uu booqdo Kuuriyada Waqooyi

Waa markii ugu horraysay ee hoggaamiyaha kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu marti galiyo hoggaamiye dawladeed tan iyo markii uu xukunka qabtay sanadkii 2011.

Waxa uu dhawaan qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo dhowr ah, asagoo la kulmay Madaxweynaha Shiinaha bishii May, ayadoo sidoo kale la filayo in uu ka qayb galo bishaan shir madaxeed uu la yeesho madaxweyne Donald Trump.

Suuriya oo ay xulufo yihiin Kuuriyada Waqooyi kama aanay hadlin qorshaha booqashada la sheegay.

Labada dal ayaa lagu eedeeyey in ay iska kaashadaan hubka Kiimikada ah, balse labada dawladoodba way beeniyeen eedaymahaas.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ma aysan sheegin taariikhda rasmiga ah ee booqoshada.

Waxay soo xigatay hadalka Mr Assad ee arbacadii uu yidhi " Waxaan doonayaa in aan booqdo Kuuriyada Waqooyi oo aan la kulmo Kim Jong-un."

Hadalkiisa ayaa imaanaya sida la sheegay kadib markii uu warqad oggolaansho ah ka helay safiirka Kuuriyada Waqooyi ambassador Mun Jong-nam.

Waxaa sidoo kale Mr Assad laga soo xigtay in uu hubo in Mr Kim " uu gaari doono guul kama dambays ah uuna ka gungaari doono dib u midaynta Kuuriya guuldarro la'aan"

Kuuriyada Waqooyi ayaa Suuriya la samaysay xiriir diplumaasiyadeed sanadkii 1966 ayadoo ciidamo iyo hub u dirtay intii uu socday dagaalkii Israaiil iyo Carabta bishii Octobar sanadkii 1973-dii.

Warbixin qaramada midoobay ay soo saartay bishii February yaa lagu eedeeyey Kuuriyada Waqooyi in ay 40 markab u rartay dalka Suuriya intii u dhexaysay sanadihii 2012 ilaa 2017 kuwaas oo siday qalab kala duwan oo ay kujiraan tuubooyin loo adeegsan karo in lagu sameeyo hub kiimiko ah.

Mr Assad ayaa beeniyey eedaymaha ah adeegsiga hub kiimiko ah ayadoo dalkaasi uu kujiro sanadkii toddobaad oo dagaal sokeeye ah.