Somallia:-Muxuu yahay ujeedka ay Soomaaliya ciyaartooy ugu dirtay Koobka Adduunka.

0
Saturday June 09, 2018 - 09:00:45 in by salman abdi
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somallia:-Muxuu yahay ujeedka ay Soomaaliya ciyaartooy ugu dirtay Koobka Adduunka.

    Somallia:-Muxuu yahay ujeedka ay Soomaaliya ciyaartooy ugu dirtay Koobka Adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somallia:-Muxuu yahay ujeedka ay Soomaaliya ciyaartooy ugu dirtay Koobka Adduunka.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa 3 ciyaartooy u direy dalka Ruushka, halkaas oo ay u daawasho tagayaan ciyaaraha, islamarkaasna qeyb ka noqonayaan ciyaartooy badan oo adduunka laga kala keenayo.

Guddoomiyaha xiriirka Cabdiqani Siciid ayaa sheegay in xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA ay soo codsatay dhalinyarada "Dhalinyaro ciyaartooy oo 3 ah ayaan dirnay, waxa ay qeyb ka yihiin barnaamij FIFA ay ugu magacdartay Saaxiibtinimada Kubbada Cagta, waxayna tageen Moscow, ujeedkana waxa ay tahay in dhalinyarada adduunka ka imanaya ee ka kala imanaya qaaradaha kale duwan ee adduunka ay is dhaxgal sameeyaan".


 
Culimada Soomaalida oo ka digtay tartankakubadda koleyga gabdhaha

 
Kooxaha kubadda cagta Puntland iyo Jubaland oo ku hardami doona galabta Muqdisho

 
Horyaalka kubadda cagta Soomaaliya oo maanta bilaabanaya

Waxa ay da'dooda ka hooseysaa 17 jirada, waxayna ka dheelaan booska difaaca, taas oo ahayd shuruudii ay FIFA u baahnayd.

Soomaaliya waligeed kama aysan qeybgalin ciyaaraha adduunka, balse waa markii koowaad oo ciyaartooy Soomaali ah ay si rasmi ah qeyb uga noqonayso ciyaaro qeyb ka ah koobka adduunka, inkasta oo aysan ahayn kuwa rasmi ah, islamarkaasna koox ahaan aysan u dheeleynin.