Siyaasadu Sidaas Maaha!!!!!!!! Baadi-doonka Siyaasiga . Qalinkii Eng Mohamed Abdiramaan

0
Tuesday August 26, 2014 - 08:18:20 in by salman abdi
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadu Sidaas Maaha!!!!!!!! Baadi-doonka Siyaasiga . Qalinkii Eng Mohamed Abdiramaan

    Dalkeena hooyo waxa uu ku caano maalay waa is qadarin iyo isku tanaasul ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalkeena hooyo waxa uu ku caano maalay waa is qadarin iyo isku tanaasul ,


 

haddii ay taas la waayo waxanu noqonaynaa qaran guul daraystay. maanta waxaad moodaa siyaasadii dalkeenu in ay faraha ka sii baxayso, taasna waxa u sabab ah siyaasadii dalkeena oo ka sii baxdaysa faraha dadkii aqoonta u lahaa, sidaas darteed ayaa dad aan aqoon u lahayni ay ka taliyaan aayaha mustaqbalka ee dalkan (Somaliland), haddii aynaa arrintaa wax ka qaban waxaynu dalkan u horseedaynaa guuldarro siyaasadeed taas oo saamaysan balaadhan ku yeelandoonta ummadeena qarniyo badan,

Maanta waxaynu marnaynaa in ninkasta uu ku dadaalo sidii uu saxaafada uga hadli lahaa wax uu doonana uu ku hadli lahaa, magaranaayo hadalkiisa aan qiimaha lahayni in uu dhaawac ku yahay qarankan lagu soo tabcaayey 23 sanno, waxaynu khalad ka fahanay free of speech oo aanu u aragnay in ay tahaywax aad doono ku hadal, waa wax laga xishoodo in aad adiga oo islaam ah in aad iska qaadatid wax aanad aqoon u lahayn oo dad gaalo ahi ay ku yeedhiyeen.


Diinteena suubani waxay ina fartay in aynu ka dheeraanowarka ku tidhi ku teenta ah,qofka islaamka ah waa in uu iska fiiriyaa hadalka uu leeyahay, oo aanu is odhan hebal ku xumee, arrinta aan layaabaa wax weeye saxaafadan aynaan aqoonta u lahayn ee ninkastaba ku fakaraayo sidii uu maalin uun uu usoo gadan lahaa qalab warbaahineed (soo iibsasho) kaas oo uu ugu talo galay in uu dadkan ku dawakhiyo, waar aanu barano system warbaahineed inta ayeynaa ku dhaqaaqin baadi goobka qalab warbaahined,

Dhanbaal ayaan u dirayaa bahda warbaahinta saaxiibaayaal dalkeena waad ogtihiin wixii loo soo maray maanta diyaar uma nihin nasiib darro danbe, warbaahintu waa seef laba af leh waxaan idinka codsanayaa dhamaantiin in aad ka fogaataan wax kasta oo qarankeena wax yeeli kara, saaxiibayaal waxaad tihii muraayadii ummadan laga dheehanayey taas oo ummada u horseedi karta horumar balaadhan waa haddii aad u adeegsataan dhinaca khayrka oo aad ka fogaataa qabyaalada iyo eexashada, oo warka aad tabinaysaan ha noqdo war dhaxdhexaad ah, waxaa laga ayaabaa in aad ku aakhiro seegno war aad is lahayd waxba ma dhibaayo ama aad guno ka eegaysay kaas oo sababi kara qudh-goonta naf aan waxba galabsan, walalayaal diyaar miyaad u tihiin In aad aakhiraniina ku seegtaan hadal aad yar idinka baxa, maanta aynu diidno warka beenta iyo bugobugaadho ah.

Intaas haddii aan ku soo dhaafo warbaahinta waxaan aad iyo aad u la hadlayaa siyaasayiinta qaarkood oo ay caadaysteen in ay ummadan kala fogeeyaan, group groupna u kala fadhiisiyaan, waxaan leeyahay odayaal maanta aduunku wax uu iskugu faanaa siyaasad wanaag ee iskuma faano siyaasad qabiil taas oo ku salaysan shaadh xume qabiil, dalka waxaa haysa siyaasiyiin la,aan midhadhkii siyaasiyinta ahaana wax muquuniyey mawjad siyaasada moodaya dadka oo la af lagaadeyo, qabyaalada oo laga shaqeeyo, dadka oo la khiyaamo, guulwadayn durugsan, iyo mucaaradnimo xagjir ah,

Qof kasta oo siyaasi sheegta waxaanu uga digaynaa haddii aanu dhalinyarta Somaliland nahay in uu isku dayo waxyeelista qarankeeda, Af reer oo aad ku hadashaa adiga oo been sheegaya meel kuma gaadhi doontid, sharaftaada ilaasho oo ka fogoow aayo la,aanta mustaqbalkaga.

Dhalinyartu way eegaysaa ninkasta oo siyaasi ahi wax uu soo kordhiyo qarankan kii abaal dhigtaana waa loo abaal gudi.

Bal aynu milicsano dalkan wixii loo soo maray… Dhacdo kasta oo dunida ka dhacdaa raad ayey ka tagtaa, siiba dhacdooyinka murugada leh ee ayka mid yihiin Xasuuqa iyo dil wadareedka lagu bartilmaamaysto Isir iyo Qoomiyada gaara ooaan waxba galabsan. Markii ay arkeen xaal halka uu maraayo dadkiinii waxay bilaabeen in ay iska kiciyaan dulinimadii haysatay taas oo ku salaysnayd in aduunka laga tirtiro.

Qaranimadan aanu maanta haysano dad iyo aduunyaba waa ay inagala maqantahay bal aan fiiro gaara siiyo arrintaas Guud nidaamkii kaligii talahay ahaan gaar ahaan CiidankiiSomali National Army, waxayDegaanada Somaliland ka gaysteen Xadhig, Jidh dil, Dhac, kufsi iyo Xasuuq bahaasan oo ay ku naf waayeen dad ka badan100,000oo qof, Dadka aan raq iyo ruux midna aan la haynin meesha ay ku danbeeyeen waxa lagu qiyaasaa30,000oo Qof. Qaxoontiga iyo dadka labarakiciyey waxa ay gaadhayaan1.5 million, kuwaas oo wali daadsan Dunida dacaladeeda. Hantida la dhacay iyo ta la burburiyey waxa iyana aygaadhaysaa in ka badan200 billionUS dollar. Gacan- ku-dhiiglayaashii Danbiyada laxaad ka lehgaystay wax Hormood kaahMaxamed Siciid Morgan. Waxaan nasiib wanaaga ah in gacanku dhiigleMaxamed cali samatercadaalad la horkeenay waxaan rajaynayaa in sidaas si lamid ah loo horkeeni doono gacan ku dhiiglemoorganinshaallah,

Gun iyo gunaada maqaalkani waxa uu noqondoodaa maqaal taxare ah kaas oo aan ku dabagali doonaa cid kasta oo qarankeena wax yeelo ku haysaa. Sidoo kale waxaanu wada wadaagi doonaa in aanu cidii qarankeena wax u tarta in aynu u abaal gudno.

Dhamaaan reer Somaliland waxaan ka codsanayaaa in aynu wada wadaagno xogaha aynu ka hayno nidaamka siyaasad xumadu Ay leedahay..



Sidee ayaa u aragnaa siyaasiyiinta maanta?Waa su,aal ina dhex taala.


Thanks


BY ENG: MOHAMED ABDIRAHMAN ABDILAHI

(MOHAMED CADDE)

Hargeysa- Somaliland

mohammedcadde100@gmail.com