Muhaajiriin Meehanaabayay Badwaynta Oo Uu Danbaya Loo Ogalaadaya IanayaGalaan Wadanka Spain

0
Sunday June 17, 2018 - 09:37:55 in by salman abdi
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muhaajiriin Meehanaabayay Badwaynta Oo Uu Danbaya Loo Ogalaadaya IanayaGalaan Wadanka Spain

    Muhaajiriin Meehanaabayay Badwaynta Oo Uu Danbaya Loo Ogalaadaya IanayaGalaan Wadanka Spain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muhaajiriin Meehanaabayay Badwaynta Oo Uu Danbaya Loo Ogalaadaya IanayaGalaan Wadanka Spain
In ka badan lix kun oo qof oo muhaajiriin ah oo toddobaad ka hor laga soo samatabixiyay badda mediteraniyanka ayaa lagu wadaa inay gaadhaan dalka Spain saacadaha soo socda.
 
Markabka soo samatabixiyay muhaajriintaan ee Aquwaariyaas ayaa waxaa uu muran badan ka taagnaa halka uu ku xidhanayo iyada oo dalalka Talyaaniga iyo Malta ay diideen inuu kusoo idhtaan dalalkooda.
 
Qaar ka mid ah muhaajiriinta oo intooda badan kasoo jeeda dalalka Africa ayaa lagu soo daadgureeyay labo Markab oo gudaha bada ugu tagaya markabkaasi oo ku suganaa dekadda Valancia ee Spain.
 
Xukuumada cusub ee Spain ayaa u balan qaaday caafimaad bilaash ah inay siineyso qaxootigan, waxayna sheegtay inay baadhitaan ku sameyneyso xaalada muhaajiriintan magangalya doonka ah.
 
Ra'isal wasaaraha cusub ee Spain ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay labo toddobaad ka hor waxa uu qaatay mowqif uu ku soo dhaweeyay qaxootiga.
 
Boodhadh waaweyn oo ay ku qoran yihiin luuqado kala duwan ayaa lagu soo dhaweynayaa muhaajiriintaan, iyada oo boqolaal booliis ah, saraakiisha caafimaadka iyo tarjumaano ay ku diyaarsan yihiin xeebta.
 
Dalka Farasiiska ayaa dhankiisa ku yaboohay inuu qaadanayo qaar ka mid ah muhaajiriinta.