Dallada SONYO oo marka ay tamar iyo taag u waayeen hawlihii dhalinta, carqalad iyo niyad jab ku keenaya dhalinta Halqor W/Q' Ahmed Saalah Daahir

0
Monday July 02, 2018 - 14:16:47 in by salman abdi
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dallada SONYO oo marka ay tamar iyo taag u waayeen hawlihii dhalinta, carqalad iyo niyad jab ku keenaya dhalinta Halqor W/Q' Ahmed Saalah Daahir

    Bahda hal-abuurka iyo qoraalka HAL-QOR, waxa la aas-aasay 10/03/2013 Dharaar Koobin ah/ Axad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bahda hal-abuurka iyo qoraalka HAL-QOR, waxa la aas-aasay 10/03/2013 Dharaar Koobin ah/ Axad.

Bahda Hal-qor, maalintaas illaa iyo maanta mar qudhaata kama ay caajisin hawlaha ay u hayso bulsho waynta Soomaalida gaar ahaanna dhalinyarta. Hal-qor, waa naadi u taagan dhiiri-gallinta iyo garab siin ta dhalinyarta hal-abuurka leh. 

Naadigu muddaasi lixda sanno ah ee uu shaqaynaayay waligii wax taakullo ah ama garab is taagga kama helin guud ahaanba dawladda. 

Sida oo kale waligii haayadaha madax-bannaan iyo kuwa maxaliga ahba, iyagana taageero ah kama hellin. Dhanka kale ururada ku magacaaban dhalinyarta iyo goobaha akhriska iyo qoraalka ku suntan waligii waxba kuma ay tarin. Hadana, sidaasi oo ay tahay Hal-Qor dedaalka ay shacabka u hayaan in ay sii laba jibbaaraan mooyaane, abbid kood may nusqaamin. 

 Dhalintan ku midawday Bahda HAL-QOR, ee gacmaha isku qabsaday in ay da'dooda iyo dalkoodaba wax taraan; marnaba kuma ay tashan in ay dhaqaale iyo lacag ku raadiyaan hawlaha ay ummadda u qabanayaan. 

Waxa ay se had iyo habeen u guclaynayaan ee ay heeganka u yihiin, waa in ay arkaan dadkooda oo waxna qoraya waxna akhrinaya. Hiigsigooda iyo himiladooduna waa in laga guurro jahliga, oo loo guurro aqoonta iyo xadaaradda qoraalka iyo akhriska.  

Hal-Qor, hawlaha ay qabato wax ka mid ah: 

Cawaysada suugaanta Bandhigga Buugaagta Dhiiri-gallinta, hindisaha iyo fikradaha cusub. 

Noolaynta iyo baraarujinta Afka iyo dhaqanka. 

Ka mashquulinta dhallinta, Belwadaha iyo Qabyaaladda. 

Kobcinta garaadka da'yarta iyo jiilka danbe. 

Tartannada Suugaanta iyo Qoraalka. 

Iyo waliba in ay dhalinyarta barto, waddaniyadda iyo jeclaanshaha dhulkooda. 

Kuna baraarujiyaan in ay dhalintu aaminaan awoodooda iyo kartidooda. 

Hadaba, bahda Hal-Qor oo ah maanta naadiga kalliya ee ka sii nool naadiyadii ka tis-qaaday caasimadda, 

maaha oo ma qabato in si aan qurux badnayn loola dhaqmo naadigan iyo dhalinta sharafta badan ee ku xidhanba. 

Waxa aannu canbaaraynaynaa Dhalinta dallada ku magacaaban SONYO oo marka ay tamar iyo taag u waayeen hawlihii dhalinta, carqalad iyo niyad jab ku keenaya naadigan iyo dhalinta kale ee firfircoon ba. 

Ha guulaysato da'yarta wax qabanaysaa oo ha guul darraystaan kuwa horu marka ku liddiga ahi, ayaannu leenahay.


W/Q' Ahmed Saalah Daahir
Hargeysa Somaliland