Maxaan gayaan dayacay? WQ: Bashiir Raacdeeye

0
Saturday August 30, 2014 - 15:14:57 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaan gayaan dayacay? WQ: Bashiir Raacdeeye

    Gugii aan 15 jir-ka gudbay,is bedelo badan ayaan naftayda ka dareemay.dhaqano cusub ayaan is ku arkay.dabeecado cajiib ah ayaan bartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gugii aan 15 jir-ka gudbay,is bedelo badan ayaan naftayda ka dareemay.dhaqano cusub ayaan is ku arkay.dabeecado cajiib ah ayaan bartay


Dhaqdhaqaaq iyo xarakaad ugub ayaan bilaabay.isbedelada aan naftayda aan ku arkay,ma’aha waxaan anigu samaynayo ama abuurayo,laakiin waa wax saykoolajiyan ah.waa marxalado la maro oo nolosha qofkasta koriinkiisa ku lammaan.la’aantoodna;noloshu dhammays ma’aha.

Da’adan qofkuu markuu gaadho;waa qaangaadh.hadduu lab yahay,astaantii labnimada ayaa ka soo ifbaxda,hanoqoto astaantaasi mid jinsiya ama dhismaha jidhka iyo lafaha ama muruqyada.hadduu dhedig yahayna ,isbedelo cusub oo muujinaya dhedignimada ayaa ka soo if-baxa.

Isbedeladan aan naftayda ka dareemay markaan qaangaadhay waxa ugu layaab badnaa uguna saamayn badnaa;waxay naftaydu I dareensiisay inaan doob ahay oo nolosha badh iga dhiman yahay.

Waxaan bilaabay xarakaad.waxaan bilaabay socod.waxaan isku arkay hadal.waxaan isku arkay sheeko iyo kaftan.waxaan is waydiiyay waydiinkasta.waxaan baadhay waydiinkasta warcelinteeda.noloshu waa qadhaadh iyo macaan mataano ah.waa dacar iyo malab isku lid ah.dantu waa seeto.waa dabar iyo xadhig.naftu way baahan tahay .baahida naftana lama daboolikaro.aduunyadu waa beerta aakhiro.raaxada dunidu dhammays ma’aha.

Dhalinyaranimadu,waa sareedo,laakiin ma dareemi kartid.waa nolol adag.waxaad ku barbaarto ama ku korto ayaad ku gaboobaysaa.waxaad ku gaboowdana;waad ku dhiman.

Dunida raaxadeeda waa;oori wanaagsan.waxaan maqli jiray "ninweyn haddaad aragto,waxa ka dambaysa naag weyn”.wakhti badan iyo fikir badan ayaan geliyay si aan afo wacan u xusho oo nin weyn u noqdo.nin markaad tahay.waxaad tahay weerar halka ay gabadhuna difaac tahay.

Haasaawaha hablaha,waan ka cabsoon jiray anigoo jecel laakiin waan bartay.lab-kasta oo wayne abuuray waxa uu u baahan yahay dhedig si uu dhammays u noqdo ama u dego.wax badan ayaan gayaankay raadsaday si aan mar uun dejiya u helo.meel dheer iyo meel dhow,gobol fog iyo mid dhow,jaar iyo xaafad,al-baabkasta iyo gurikasta, meelkasta haasaawuhu ila gal.

maxaan gayaan ku arkay geyiga arkay?. Mid garasho dheer.mid aragti gaaban.mid karti leh ,codkarnimo iyo deeqsinimo isku darsatay laakiin waxaan ogaaday inay aafo ama dhib ku tahay hablaha sifaadkaasi waayo gabadha fariidda ahi,fariidnimadeeda gurigeeda ayay ku burburisaa.awlaadeeda ayay ku illawdaa.saygeeda ayay ku dhibtaa.dariskeeda ayay ku hagardaamaysaa.waayadan dambe,dumarka ayaa ragga ka badan.

Ma odhan karo,gashaanti kasta oo dhulka soomalida degen ama ku nool ayaan haasaawaha u furay oo haddana I qancinwayday. Tiro yar ayaan la kulmay oo aan la haasaaway. La sheekaystay.la fadhiistay.la socdaalay.la shaqeeyay. Kursi iyo qalin la wadaagay.intabu dhammays ma’aha.midkasta,waxbaa ka dhiman.waxaan maqli jiray, "isu dhamme la waa”.intaan haween ka arkay ee aan sheeko ka helay.qaar ka mid ah,waan dayacay!.qaarna ilaahay ayaa iga badbaadiyay inaan dabinkooda ku dhaco!.

jacaylku waa sixir!.marka lagu jeclaadu waa hadyad,laakiin jacaylka hayadda ahi marbuu hadimo noqda!.

Waxaan xasuustaa,haasaawihi cuddoon,ilwaad,asli iyo qadan.intaan gayaan la kulmay ama aan haasawe ka helay.maan arag hablo la dhaqan ah.la diin ah.la dabeecad ah.la aragti ah.la nasab ah,laakiin dantu waa seeto.duruufaha dalka ka jira.sinaan la’aanta,shaqo la’aanta, musuqa iyo jahliga ayaa sabab u ah inaad xilkaagi gudan weydo, ha ugu waynaato shaqo la’aantuye.haddaan gayaan dayacay uma arko inaan khalad sameeyay,waayo inaan soo lugooyo ayaa ka xun anigaan waxba u diyaarin .

Imisaa gol-qaniin ku maalay inan ma gaydo ah?.imisa galaaftay?.imisa gurigoodi ka kexeeyay oo lugooyay haddana geeri iyo nolol u dhexeeya?.

Maxaan inan sharaf iyo karaamo leh la kulmay oo gayaan keed dayacay?.qurux iyo qaayo leh.gobonimo iyo gaarinimo leh,karti iyo kabniinyo leh.garasho iyo guddoonimo leh,haybad iyo hannaan wacan,dulqaad iyo dabeecad rabbi ugu deeqay.intaas gayaanka leh.dhegta iyo dhabeelnimaduna u dheer tahay,maxaa ka dhiman?.gurikasta iyo goobkasta ,gashaanti golmoon ayaa ku dayacan raggii guursan lahaana qaad iyo sigaar ayaa ifka ku xabaalay.qaarna waayahooda ayaa meel ku ooday.

W/q; bashiir raacdeeye

Raacdeeye.1@gmail.com

Burco, somaliland-2014