Ra'iisal wasaare Kheyre oo Kumannaan ruux Masjidka Is-baheysiga kula Oogay Salaada Ciidda.

0
Tuesday August 21, 2018 - 12:42:30 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal wasaare Kheyre oo Kumannaan ruux Masjidka Is-baheysiga kula Oogay Salaada Ciidda.

    Ra'iisal wasaare Kheyre oo Kumannaan ruux Masjidka Is-baheysiga kula Oogay Salaada Ciidda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaare Kheyre oo Kumannaan ruux Masjidka Is-baheysiga kula Oogay Salaada Ciidda.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saakay salaadda Ciidda kula tukaday Kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

Khayre ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isku damqasho iyo is-garab qabasho.

"Waxaa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul-Axdaa, waxaan leeyahay sannadkaan sannadkiisa ku ciida Bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxaa, una rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda xusuusiyay in la ilaaliyo midnimada dalka, maadaama uu yahay dalka kaliya ee aan leenahay isaga oo shacabka ka codsaday in ay garab istaagaan dadaallada dib loogu dhisayo nidaam dowladeed oo sal adag.