Qof-baad Tahay Guul Abuura ? Qalinkii Ridwan-Akiid Caydiid Ismaaciil

0
Saturday September 06, 2014 - 11:55:50 in by salman abdi
  • Visits: 1890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof-baad Tahay Guul Abuura ? Qalinkii Ridwan-Akiid Caydiid Ismaaciil

    Dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshada iyo hayaanka geediga mustaqbal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshada iyo hayaanka geediga mustaqbal


 

xaqiiqdii dayartu waa aabayaasha iyo hooyooyinka barito waana mishiinka dhaqaajiya hawlaha umada ay ka lee dahay horumatinta himilooyinkooda, dhalin yaradu waa hogaamiyaasha mustaqbalka ee qaran lee yahay

Muraayada iyo sawirka laga dheehdo heerarka ilbaxnimo iyo hore socodka ee dalalka aduunku lee yihiin waa dhalinyarada, hamigaana iyagaa suuro galiya, xiliyada ugu wanaagsan ee nolosha aadamaha soo martaa waa dhalinyaro nimada wakhtigaa oo ay ku duugan tahay awoodo rabaani ah oo waxkasta suurto gal ka dhigi kara

Hadaba hadii aynu sharaaxd ka bixino dhalinyarada Somaliland waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 70% (boqolkiiba todobaatan) isla markaana waxay door weyn ku lahaayeen halgankii, dibu xoeyntii,dibu dhiskii wadanka iyagoo suurto galiyay dumiqaraadiyada asxaabka badan ee somaliland ka hana qaadey waxaaney ka midho dhalinta himilada qaranimo kaga jiraan meelaha ugu sareysa,maenaba lama qarin karo lamina dafiri karo awoodaha iyo waxqabadka dhalinyaradu ay Somaliland ka qabteen wadankooda, iyadoo in badan dhalinyarada Somaliland ka maqnaayeen hogaanka siyaasada iyo talada dalka tan iyo markii somliland la soo noqotey madax bananideeda sanadkii 18.may.1991 xukumadihii kale danbeeyay ee dalka soo mara wax la taaban karo dhalinyaradu ku mayn lahayn amaba waxaynu odhan karnaa kumabey jirin hanaanka qorshaha xukuumadahaas balse intii talada dalka hogaamintiisa ay qabatey xukuumada uu hogaamiyo madaxweynaha Jamuuriiyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (SIILAANYO) iyadoo xukuumadiisu sahashey in dhalinyaro badani uu madaxweynuhu u magacaabo xilal qaran oo muhiim ah arintaasina ay noqotey talaabo geesinimo oo madaxweynu qaatey bulshada ehlu cilmiga ahi ay soo dhaweeyeen isaga oo hogaamiyaha wadanku hir galiyayay in dhalinyarada uu ka furo dabarkii siyaasada ee ahaa in dhalin yaru dada 35 jirka kaga qayb qaadato siyaadasa isagooo ka dhigey in dhalinyaradu ay dada 25 jirka ku gali karaan masraxa siyaasada dalka arintaasi oo suuro galisay in da yar badani ka soo baxaan doorshada golayaasha deegaanka dalka, run ahaantii dhalinyadadaa masuuliyada aad ka u culus qaadey way dadaaleen iyagoo muujiyay xilkasnimo dheeraad ah waxaaney dar dar galiyeen hawlaha shaqo qaranka ee loo igmadey, lama soo koobi karo faaidada iyo qaniimada fursadaha hortaala dhalinyarada dalkeena.

 


Hadaba dhalinyarada JSL iyagoo ay qaniimada iyo manfaca intaa leeg ku haystaan dalkooda waa maxay sababta ku kaliftey dhalinyarada in ay nolosha ka war waraan mustaqbalkooda? oo ay nafahooda ku biimeeyaan socdaalka bilaa rajada ah ee tahriibka oo ay dabo taalo mustaqbalka mugdiga ah oo da yarta qaar kood dhaxal siiyay geerida noloshooda iyo rafaadka silica qabsada waalidiintooda arintaas abuurta rajo beelka raadadka xun ku beera qoysaskooda iyo qarankoodaba, dhalinyarada ka badbaada geerida iyo dhaawacyada ay kala kulmaan socdaalka tahriibka oo ay daba taalo quudhsiga iyo gobonimo darada ka jirta deegaanada dhalinteenu ay u baqoolayaan una hanqal taagayaan, iyadoo dalalkaa aya u hayaamayaan ay suurto galiyeen dhalinyaro la mid ah in ay noqdaan wadamo barwaaqo sooran, Hadaba dhalinyaradu JSL waxaa la gudboon oo waajib qaranimo ah ku ah in ay u fikiraan tabacna galiyaan sidii wadankooda ay ugu dhigi lahayeen dadalka horumarey isku filnaashahana gaadhey, arintaasi waxay u baahan tahay dadaal, xilkasnimo, kalsooni, wadaniyad, iskaashi iyo in la aaminoqaniimada khayraadka wadanka ku duugan eebe inagu maneystey, Adigu oo ah qof guul abuuri kara maxaa ku badey gunimada gobonimo darada iyo quudhsiga..




Qalinkii Ridwaan-Akiid Caydiid Ismaaciil

Tell: 063-4417227 ama 063-9109190

Email:Ridwaan_akiid@hotmail.com amaakiid14@gmail.com