Sacuudiga oo cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

0
Tuesday October 02, 2018 - 08:09:18 in by salman abdi
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

    Sacuudiga oo cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacuudiga oo cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sacuudiga ayaa lagu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay ciidan ka tirsan Midowga Yurub oo u dhashay dalka Talyaaniga.

Maalinti shalay ayeey aheyd markii gaari yar oo kuwa raaxaada ah lagana soo buuxiyay walxaha qaraxa lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo Talyaani ah agagaarka wasaarrada Gaashaandhigga Soomaaaliya.

Weerarka waxaa ku nafwaayay in la ogyahay Laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa qofkii weerarka Ismiidaaminta ah geystay. halka ay ku dhaawacmeen 10 kale oo ay ku jiraan arday xilligaasi ka timid iskuulaadkooda waxbarasho.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.

Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkan ayaa afhayeenkooda Cabdicasiis Abuu Muscab waxaa uu sheegay in ay weerarka ku dileen ilaa afar sarkaal oo ka tirsan ciidamadii la socday kolonyada la weeraray.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Sacuudiga uu ka soo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha, sida argagixisada iyo xagjirnimada iyo wax kasta oo lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah.

Sacuudiga ayaa ugu dambeyn sheegay in uu kordhin doono taageerada Millatari iyo mida dhaqaale ee uu siiyo dowladda Soomaaliya.