Itoobiya:-Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Inay Dayax Gacmeed U Dirayso Hawada Sare Iyo Dalka Ka Caawinaya Oo Ay Soo Bandhigtay
Warkan oo aan ka soo xigannay xafiiska isgaadhsiinta ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya sameynta dayax-gacmeedka Itoobiya iney iska kaashadeen Khubaro ka kala socday Itoobiya iyo Shiinaha.
Waxaana la dhammeystiray ayuu yiri fasaxi caalamiga ahaa ee nalooga baahnaa iyo diiwaangelinta ceymiska intaba.Madaxa machadka teknooljiyadaha hawada sare ee Itoobiya Dr Selemon Belay, wuxuu sheegay sameynta dayax gacmeedka Itoobiya ay hawada u diri lahayd inuu haatan gabagabo marayo.
Waxayna si rasmi ah dayax-gacmeedka hawada sare aan u direynaa ayuu yiri sanadka 2019-ka.
Dayax-gacmeedka oo hawada sare loogua dirayo dalka Shiinaha waxay Itoobiya ku soo gaareysaa afar maalmood gudahood.
Dayax-gacmeedka oo miisaankeedu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka.
Waxayna awood u leedahay 54 maalmood iney dunida oo dhan ku soo wareegto, Itoobiyana 4 maalmood.
Machadka sameynta dayax-gacmeedkan hirgeliyey ee Itoobiya waxaa marki ugu horreysay la aasaasay 2016-ka, iyada oo ay machadku u qorsheysan tahay ilaa iyo 2025-ka inuu hawada sare uu u diro dayax gacmeedyada dalka uu u baahan yahay oo dhan.
Itoobiya oo ka mid noqoneyso 7-da dal ee qaaraddan Afrika oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya.
Source:-BBCsomali
Itoobiya:-Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Inay Dayax Gacmeed U Dirayso Hawada Sare Iyo Dalka Ka Caawinaya Oo Ay Soo Bandhigtay
Itoobiya ayaa sheegtay iney sanadka 2019-ka ay marki ugu horreysay hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedki ugu horreeyey oo ay yeelato.