Shiinaha:-Baarayaasha BBC-da oo ku salgaadhay goobaha qarsoodida uu Shiinuhu ku ciqaabo muslimiinta dalkaasi

0
Friday October 26, 2018 - 07:11:50 in by salman abdi
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha:-Baarayaasha BBC-da oo ku salgaadhay goobaha qarsoodida uu Shiinuhu ku ciqaabo muslimiinta dalkaasi

    Koox wariyeyaal ah oo baaritaan ku soo sameyey Ciqaabta lagu hayo Muslimiinta dalka Shiinaha u dhalatay ayaa sheegay iney soo xaqiijiyeen xerooyin qarsoodi ah oo ku yaalla dhulka lamadagaanka shiinaha oo ay ku jiraan boqollaal kun oo macabiis Muslimi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox wariyeyaal ah oo baaritaan ku soo sameyey Ciqaabta lagu hayo Muslimiinta dalka Shiinaha u dhalatay ayaa sheegay iney soo xaqiijiyeen xerooyin qarsoodi ah oo ku yaalla dhulka lamadagaanka shiinaha oo ay ku jiraan boqollaal kun oo macabiis Muslimiin ah.


Goobaha qarsoodida ah oo muslimiinta lagu ciqaabo wuxuu shiinuha ku sheegay iney yihiin goobo loo adeegsado tababarrada dhinaca farsamada ah balse xaqiiqdu taa waa ay ka fog tahay.

Goobahaasi ayaa waxay yihiin kuwa loo adeegsado in lagu cadaabo muslimiinta dalka shiinaha ku nool si ay diintooda uga baxaan ama aragtida diimeed ee ay aaminsan yihiin looga beddelo midda kacaanka dalka oo aan diin ku dhisneyn.

Waxayna wariyeyaasha BBC-da ee warbixintan soo diyaariyey sheegeen ciddi mar gasha xaruumahaasi/Xabsiyadaasi ciqaabta diinta oo ay beddelato daaye waxaa xitaa beddelmeysa midabkiisa, jirkiisa iyo bani-aadaminimadiisa intaba.

Shiinaha wuxuu ku andacoonayaa iney xaruumahaasi yihiin "muslimiinta mayalka adag ee ku nool dalka Shiinaha mid aragtidooda wax lagaga beddalayo isla markaana waxbarasho iyo tababarro xirfadeedba lagu siiyo".

Xabsiga Muslimiinta lagu ciqaabo halkuu ku yaallaa?

Goobta ugu weyn ee Muslimiinta Uighur ee dalka Shiinaha lagu ciqaabo waxay ku taalla dhul lamadagaan ah oo ku yaalla Galbeedka Janjang degma yar oo ku taallo oo la yirahdo Dabacheng.

Darbiga xabsigan ku wareegsan wuxuu gaarayaa 2 kiilo mitir waxaana darbiga ka sii dul dhisan 16 guri oo shub oo kuwa askarta ilaalineyso macabiista ay adegsadaan.

Waxaana la helay caddeeymo cad oo muujineyso inuu Shiinaha muwaaddiniinta u dhalatay Shiinaha ee aaminsan diinta Islaamka uu qarniyo badan goobtan iyo gooba kale oo la mid ah oo ku yaalla dalka qaybahiisa kala duwan uu ku soo ciqaabeyey.

Sawirka xabsiga oo Dayax-gacmeed lagu qaaday
Image captionSawirka xabsiga oo Dayax-gacmeed lagu qaaday

Sidee lagu ogaaday?

Laga billaabo 2015-kii dhulka lama dagaanka ee xabsiga laga dhisay waxaa ku soo qulqulayey gaadiid fara badan oo sida qalabka dhisamaha loo adeegsado taasoo dadka deegaannadaasi ku nool ay la yaabbanaayeen iyaga oo ugu dambeynti xaqiiqsaday in wax un laga dhisi doono balse dhisamahaasi waxa uu yahay cidna ma sheegi karin.

June 2018-ka wixii ka dambeeyey Dayax-gacmeedyadu waxay billaabeen iney soo saaraan sawir dhismo u eg, dhismahaasi oo ah mid aad u weyn oo dhulka lamadagaanka ah ee galbeedka Shiinaha laga dhisay isla markaana si aad ah loo ilaaliyo.

Darbiga ku wareegsan oo keli ah dhererkiisu waa laba Kiilo Meetir, Waxaana ku nool kumannaan asakari oo aad u hubeysan oo ilaalida xabsiga ah.

Balse cidna ma ogeyn qarniga aan joogno xadgudubyada bani aadamka loo geysta kuwooda ugu xun in xabsigan looga geysto muslimiinta Uighur ee dalka Shiinaha.

Warbixinta BBC oo dhammeystiran

Kooxda wariyeyaasha ee BBC ka socotay xilli waaga soo baryayey waxay ka dageen gigada diyaaradaha ee Urumki.

Kooxda wariyeyaasha markay ka baxeen garoonka ilaa ay ka gaarayeen Dabacheng waxaa daba socotay shan gaari oo ay saarnaayeen dad xiran dhar carabi ah.

Kooxdu xabsigan iney u dhawaadaan aad iney u adag tahay iyaguba wey ogaayeen balse waa ujeeddada socdaalkooda ugu muhiimsan ee ay halkan ku yimaaddeen.

Waxayna rajeeynayeen xabsiga markay ku dhawaadaan in la celin doono, 100 miitir markay xabsiga u soo jiraan waxay indhaha ku dhufteen wax aysan fileyn.

Sawirki Dayax-gacmeedka lagu qaaday ee u ekaa bakhar weyn ama ciid uruursan iyo dhul saxatraha wuxuu noqday dhisma aad u weyn oo weliba uu dhinaciisana uu ka socdo dhisama kale oo lagu sii ballaadhinayo.

Meel walba waxaa socda ama shanqartooda aad ka maqleysaa cagaf, baabuurta iska rogayaasha, codka wiisha, shaqalaha badan oo shaqo ku jira, waxaana hortannada ka muuqda dhismayaal dhawr ah oo afar dabaq ka kooban.

Waxaas oo dhan waxay ka muuqdaan dhulka saxaraha ee lamadagaanka ah dhismihi ku yaallay ee dayax-gacmeedka lagu qaaday.

Markaan billaawnay inaan dhismaha duubno oo aan sidaa Kaameerooyinkii ula soo baxnayba waxaa hal mar nagu soo uruuray boolis tira badan. Gaarigi aan wadannayna waxaa joojiyey ciidanka sirdoonka oo iyagana meel gaaban nooga soo baxay waxaan amar qalalan nalagu siiyey inan kaameerooyinka daminno.

Kaameerooyinka aan wadannay aaan daminnee mid ka mid ah kaameerada waxay la hartay hal sawir oo yaab leh oo y muuqdo xero aysan dunidu weligeed arag mid tusayo.

Dhismahan yaa lagu xiraa ama lagu ciqaabaa?

Masaajidda ku yaallo galbeedka Shiinaha salaad laguma tukado
Image captionMasaajidda ku yaallo galbeedka Shiinaha salaad laguma tukado

Shuruudda keli ah uu qofku xabsigan uu ku muteysan karo ayaa waxay tahay inuu yahay Qof Muslim ah oo Shiinaha u dhashay kana soo jeeda qowmiyadda Uighur.

Dadka ku nool deegaanka uu xabsigaasi ku yaallo markaan weydiinno xeradan weyn ee oodan waxa ay tahay cabsi darteed ayay la gariirayaan, qaarkoodna waxay kuu sheegayaan oo keli ah xaruun waxbarasho iney tahay.

Waa yaab waa xaruun waxbarasho oo dunida ka qarsoon.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa wuxuu noo sheegay "xaruuntu iney tahay goob ay wax ku bartaan dadka xorriyadda iyo caafimadkaba uu ka fog yahay".

Eedeymo marar badan loo soo jeediyey dalka Shiinaha oo ku saaabsan iney Muslimiinta dalkaasi gooba qarsoodi ah ku ciqaabto waa ay diidi jirtay.

Socdaal kooxda wariyeyaasha BBC-da wixi ka dambeeyey telefishiinnada Shiinaha waxay billaabeen iney dacaayado arrintan ka soo horjeedo ay tabiyaan iyaga oo weliba xaruumahaasi ku sheegaya iney yhiin fasallo nadiif oo ay wax ku bartaan arday mahdinta taqaanno.

Hase yeeshee, xaruuntan uu Shiinaha ku sheegayo in wax lagu barto lagama qalinjabiyo ciddi mar gashana iney dib dambe uga soo baxdo wey adagtahay.

Xabsigan waxaa loo dhisay dadka deggan Jiyanjang gaar ahaanna qowmiyadda Uighur oo ka mid ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

1.5 bilyan ee dadka ku nool dalkaasi Shiinaha waxay muslimiinta Uighur ay ka yihiin 10 milyan oo keli ah, afka Shiinahana kuma hadlaan oo afkooda waa Turkik.

Muslimiinta halkaa ku nool haweenkooda gamba yar oo ay madaxa saartaan waxaan ka ahayn looma oggolo xijaabna warkiiba daa.

Qofki bisha Ramadhaan soomo ciqaab ayuu la kulmayaa, waa la garaacayaa, qasabna ayaana Soonka looga furayaa. Salaad haddaad Masaajid ku tukato xabsi ayaad ku muteysaneysaa. Qofka muslimka ah haddii uu gar la baxana waxaaba lagu qaadayaa ciqaabta anshax xumada ee ugu adag.

Shiinaha diintiisu waa mid taasoo ah Shuuciyadda, waxaana la aaminaa oo keli ah Shi Jaan Ping.

Cabdisalaam Maxammed Shiina Muslim ah
Image captionCabdisalaam Maxammed Shiina Muslim ah

Muslimiinta sideey uga markhaati kaceen?

BBC-da waxay wareysi la yeelatay 8 xubnood oo qowmiyadda Uighur ka tirsan oo ku nool badda Shiinaha dhankeeda kale.

Waxayna dadkaasi ka markhaati kaceen goobta uu shiinaha ku sheegay iney tahay goob waxbarasho ay tahay goob dadku lagu ciqaabo.

Cabdisalaam Maxammed waa 41 jir wuxuu noo sheegay in 2014-kii xabsigaasi lagu xiray isaga oo lagu soo eedeyey inuu aayad qura'aan ah uu ka akhriyey qabriga qof dhintay oo aas loo sameeynayey.

Ablet Sursun oo ka mid ah macabiista xabsigaasi soo martay wuxuu sheegay "inta aad xaruuntaasi ku jirto subax weliba saf ayaad galeysaa waxaana laguugu qasabayaa inaad jimicsi aad u culus oo qasab ah sameyso, aad ayaad u ordeysaa, ciddi ordi weydana waxaa loo gudbinayaa qolalaka ciqaabta looga talagalay".

Wuxuuna intaa ku daray marweliba heeso ay ku sheegayaan iney daacad u yihiin Shuuciga oo ay naftooda iyo dhiiggoodaba u hurayaan iney macabiista u qaadayaan, waxayna maalin walba na baraan casharro shuuciga ku saabsan haddaad xifdin weydana ciqaab ayaad la kulmeysaa".

"Waxaanna ka mid ahay shaqsiyaadka nasiibka leh ee uu Ilaahey xabsigaasi ka soo samata bixiyey", hadda wuxuu magangalya weydiistay oo uu ku nool yahay dalka Turkiga.

"Inta aan xabsiga ku jiray waxaan xusuustaa Oday waayeel oo 74 jir iyo 8 carruur oo uu dhalay oo hal meel lagu wada ciqaabi jiray, tirada muslimiinta ku xiran xabsigaa markaad eegtidna waxaa ku galeysa muslimiinta Shiinaha u dhalatay qof kama harin".

Masaajid aan Salaadda lagu tukan

Masaajidda deegannadaasi ku yaalla dalxiisayaasha iney soo booqdaan mooyee in salaad lagu tukado looma oggola
Image captionMasaajidda deegannadaasi ku yaalla dalxiisayaasha iney soo booqdaan mooyee in salaad lagu tukado looma oggola

Kooxda wariyeyaashsa ee BBC-da ka socotay oo baaritaankan sameeyneysay waxay soo mareen xaruunta Uighur oo la yirahdo Kashagur.

Dadka magaaladan ku nool marka la weydiiyo halka ay qoysaskooda aadeen iney sheegaan wey ka cabsanayaan, dadki magaaladan ku noolaa xabsi ayey ku jiraan ayay si hoose kuu leeyihiin.

Masaajidda ku yaalla magaalada waxay iisu beddeleen goobo ay u booqasha tagaan dalxiisayaasha.

Kooxdu wariyeyaasha xilli Salaadda Duhur la tukan lahaa ayey mid ka mid ah masaajidda magaalada ugu waaweyn isku beegeen, balse cid salaad u imaadday ma jirto, aaddaanna haba sheegin.

Askari boolis ah oo taagnaa albaabka masaajidka ayaan weydiinnay "Salaadda Xilliga la tukanayo" wuxuu noogu jawaabay salaad anigu waxba kama ogi waxaan halkan u joogaa inaa dalxiisayaasha caawiyo.

Meel masajidka aan sidaa uga fogeyn Odayaal waaweyn oo garka iska xiiray oo fadhiya ayaan ku aragnay waxaanna weydiinnay "dadki masaajidkan ku dukanayey aaway?"

Mid ka mid ah odayaashi isaga oo gacanta afka saaraya oo calaamad ahaan nagu muujinayo inaan aamusno, ayuu midkikalana cod aad u gaaban nagu yir "cid masaajidda timaaddo ma jirto"

Albaabka masaajidka ayan u soo noqonnay askari afaafka hore ee masaajidka xaaqayey ayaan u tagnay.

Dalxiisayaashuna waxay sawirro ku galayeen Masaajidka aan salaadda lagu tukaneyn ee meel cidla ah iska taagan.

Waxaana noo caddaatay Masaajidda Magaalada iyo gobolkaasi ku yaalla oo dhan iney dalxiisayaashu booqdaan mooyee inaan muslimiinti ku dukan lahayd loo oggoleyn, muslimiinti ugu badneyd ee la rabay iney masaajidda cammiraanna xabsiyada gaarka ah ee loogu tala galay Muslimiinta Uighur inay ku jiraan.