NASIIB XUMIYAA MAXAA SOOMAALI IGA DHIGAY WQ: BASHIIR RAACDEEYE

0
Sunday September 14, 2014 - 08:40:29 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1653
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NASIIB XUMIYAA MAXAA SOOMAALI IGA DHIGAY WQ: BASHIIR RAACDEEYE

    Wa Qormo aan ugu Talo Galay inaan ka dhigo Dood Furan oo Dhalinyaradu ka so qaybqaadan karto isla markaasna aynu kaga doodi karno Dulucda ay xambaarsantahay Qormadani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wa Qormo aan ugu Talo Galay inaan ka dhigo Dood Furan oo Dhalinyaradu ka so qaybqaadan karto isla markaasna aynu kaga doodi karno Dulucda ay xambaarsantahay Qormadani


Nasiib xumiyaa maxaa soomaali iga dhigay!?

waxaan dhashay waa barwaaqo ah.abaar ah iyo omos ,haraad  iyo gaajo ,biyo la’aani iyo Baad xumo midna aanay dhulka ka jirin.waa xilli dayr ah dalku degen yahay.

waxaan  ku dhashay dhulka dadka afka soomaliga ku hadla.waxaan ku abtirsadaa dadka afka  soomaliga ku hadla.waxaan ku hanaqaaday dhulka  dadka afka soomaliga ku hadla.waxaan wax ku bartay dhulka soomalida.

Waxaan u dhashay umad geesigooda gawraca.waxaan u dhashay umadda halyaygooda hankiisa la wiiqa oo bahdila.waxaan u dhashay umad kooda aqoonta leh iyo kooda siyaasiga ah maskaxda laga gumaysto.waxaan u dhashay umad aan ilbaxayn.waxaan u dhashay umad aan tasho aqoonin ee loo tali.waxaan u dhashay umadd  isugu faanta aniga  kaa "isir iyo reer wacan”.waxaan u dhashay oo aan ku abtirsadaa umad dhiigooda u daadisa  " buqcad  dhula 2cm ah”.

waxaan u dhashay  umadd hal-doorkeead aan qiimihiisa iyo xaqiisa siin inta uu nool yahay maalinta u xijaabtana afarta ay ilma-adeerka yihiin  buunbuuniyaan una baroortaan inta kalena xaqisii iyo dadaalkiisi ay duudsiiyaan halkii uu ka mudnaa in "taallo loo dhiso”.

waxaan u dhashay umad aan tabcan.waxaan u dhashay umad ma shaqaystayaal ah.waxaan u dhashay umad aan  irbad samaysan Karin .waxaan u dhashay umad  hugooda iyo hoygooda,clafkooda iyo cuntadooda loo soo iibgeeyo  oo aan  geed bariisa beeran Karin.

waxaan u  dhashay umad sooyaalkoodu baylah yahay.waxaan u dhashay umad taariikhdooda iyo mahadhooyinkoodu ay goobkasta ku dayacan yihiin.waxan u dhashay umad kooda baylahdooda dayaca karawa  uu daacuf yahay.waxaan u dhashay umad odoyga aqoonta lagu tuhmo ama waayo aragtinimada uu la mid yahay qaamuus maktabad yaallay oo dhintay iyadaan xaraf laga faa’iidiin!. waxaan u dhashay  umad nin ka dhasho laakiin ninka ka dhasha iyagu dulleeya.

Waxaan u dhashay umad dhulkoodii la bililiqaysano oo caawinaya kii boobayay.waxaan u dhashay umad dheemankoodii iyagu hadyad u bixinaya.waxaan u dhashay umad dhulkooda dillaalliin ka ah.waxaan u dhashay umad khayraadkoodi tartan loogu jiro iyaguna xoolaha caleenta la cuna.

Waxaan u dhashay umad dhulkoodu dihin yahay iyaguna ka jaajoonaya.

Waxaan u dhashay umadd dhulkoodii barwaaqaysan yahay oo ka aradan.waxaan u dhashay umad dhulkoodi khayrkood cunayo iyagana garawga looga soo dawariyo kiniisadaha yurub.waxaan u dhashay umad ciddoodu nooshay oo baradhada iyo basasha   dalka debediisa looga keeno.

Waxaan u dhashay umad aan guri dhisan Karin.waxaan u dhashay umad wakhtigoodi hadal ku dilay.waxaan u dhashay umad   fadhiid ah.waxaan u dhashay umad aan kab samaysan Karin.waxaan u dhashay umad kooda wax cusub daahfura gumeeya.aflagaadeeya,cunfiya,caaya halkii ay dhiirigelin lahaayeen.waxaan u dhashay umad aan is dhaamin haddana midba  midka kale iskala weyn yahay.waxaan u dhashay umad khayrkeed ka hadhay.

waxaan u dhashay umad wada siyaasi ah.waxaan u dhashay umad kooda ugu xumi u taliyo.waxaan u dhashay umad  hugaamiyahooda ku soo xulata ;inta qof ee u dilay,inta u xaday,inta uu boobay iyo inta   musuqay.

Waxaan u dhashay umad wada aqoon yahan ah haddana inta magacooda qorikarta ay tahay faraku tiris.

Waxaan u dhashay umad  ka jaahilka ahi u taliyo ka aqoonta leh.waxaan u dhashay umad wada xil haysa.waxaan u dhashay umad  wada darajooyin iyo xidigo garbaha ku sitata jaahil iyo caalim ku u doono ha noqdee.

Waxaan u dhashay umad dhulkoodi ka qaxaysa.waxaan u dhashay umad waddankoodi nacday.waxaan u dhashay umad  qalbiga ka wada dhoofgsan.waxaan u dhashay umad aaminsan inuu irsiqu yaallo dalka debedisa.waxaan u dhashay umad waddankooda  qaxoonti ku ah.waxaan u dhashay umad iyagu waddankoodi boobaya.

waxaan u dhashay umad ninka ragga ahi ku dayacan yahay.waxaan u dhashay umad hal-abuurkeedu ku dhexdayacan yihiin.waxsaan u dhashay umad halgamaageeda gawracda.waxaan u dhashay umad keeda fiican dulaysa.waxaan u  dhashay umad hablihii xural-caynta ahaa ay ku dhex dayacn yihiin!.

maxaa geesi iyo halgaama,hal-abuur iyo hugaamiyo wacan ka soo baxay umaddayda oo isagoo cil qaba xijabtay?.alla !!.nasiib xumiyaa maxaa soomaali iga dhigay!!?.

 

 

Qore; bashiir raacdeeye

Raacdeeye.1@gmail.com

Burco.somaliland-9/2014