Hargaysa:-"Madaxweyne Lagaagama Baahna Inaad Komishankan La Diidanyahay Sii Jeclaysto" Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil

0
Saturday January 26, 2019 - 12:36:30 in by salman abdi
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-"Madaxweyne Lagaagama Baahna Inaad Komishankan La Diidanyahay Sii Jeclaysto" Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil

    Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil , oo ka mid ah Xildihbaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu kala diro Komishanka, waxaanu xusay in Komishankan aan lagu kalsoonaan karin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil , oo ka mid ah Xildihbaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu kala diro Komishanka, waxaanu xusay in Komishankan aan lagu kalsoonaan karin.


Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Xisbiga Waddani, oo runtii markii hore loo sadaalinayey inuu Doorashada ku guulaysanayo, dhab ahaana ahna Xisbi balaadhan, oo Taageerayaal badan leh, qadar baa dhacay, oo Xisbigii Kulmiye ayaa Doorashadii ku guulaystay, Doorashada kadibna Xisbiga Waddani wuxuu soo bandhigay caddaymo badan oo muujinayo in Doorashada khaladaad badani ka soo baxay, oo ka yimid Komishanka, waxaana ay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu Guddi u saaro arintan, kadibna in la sameeyo baadhitaano, balse Madaxweynuhu codsigii iyo dalabkii Xisbiga Waddani iyo Caddaymihii ay soo bandhigeenba uu iska indho tiray, waxaanu ku adkaystay inay Doorashadaasi si fiican u dhacday, waxaanu iska indho tiray khaladaadka laga sheeganayo Komishanka, taasina mid laga filaayey may ahayn”.

Xildhibaan Xuseen oo Madaxweynaha fariin u diraaya ayaa yidhi "Golihii Guurtidu muddo kordhin kooban bay noo sameeysay, laakiin Komishankani maaha mid sii joogi kara, madaama cadaalad daro laga tirsanayo, suurgalna maaha in laba Xisbi ay Doorasho galaan, marar badan oo talooyin umadda, dalka iyo maslaxada guud wax ka tarayna waan soo jeeiyey, ee Madaxweyne cadaalad ayaa lagaga baahan yahay ee lagaagama baahna inaad Komishankan la diidan yahay sii jeclaysto, khilaafka Xisbiyadana waxa sabab u ah Komishankan, ee Madaxweyne kala dir”.