Qosol Waad Qurux Badantahee!! WQ: Mohamed Salad Ali

0
Tuesday September 23, 2014 - 11:16:43 in by salman abdi
  • Visits: 3245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qosol Waad Qurux Badantahee!! WQ: Mohamed Salad Ali

    DHOOLACADAYNTU waa furaha guuusha maalinkasta iyo saacadkasta, akhriste Waxaan kugula talin lahaa inaad in badan la saaxibto buugagta iyo muxaadirooyinka ka hadlaya farxada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DHOOLACADAYNTU waa furaha guuusha maalinkasta iyo saacadkasta, akhriste Waxaan kugula talin lahaa inaad in badan la saaxibto buugagta iyo muxaadirooyinka ka hadlaya farxada

Dad badan oo illahay ku manaystay sharaf oo siiyey lixda lixaad iyo qaar ilahay kala dhimay lixaadkooda ayaa jira . ilahay aya mahad iska leh markas iyo meel kasta , hadii aad tahay ruux aan illahay u dhamaystirin lixaadkiisa iyo hadii aad tahay ruux lixdiisa lixaadba qaba oo ilahay ku siiyey .


Hadii aad tahay ruux markasta guul daraysta ? hadii aad tahay ruux cadhadu ku badan tahay , hadii aad tahay aan agtiisa lagu nasan Karin , hadii ad tahay ruux aan farxad kasban Karin ogow waxa kaa maqan hal shay oo noloshada wax badan ka caawin kara kaana saari kara wakhtiyda adag ee ku soo mara taaso ah DHOOLACADAYN ama QOSOL .

Hadi aad foolxuntahay ogow quruxdadu waa dhoolacadayne, hadii aad tahay qof caan ah inaad dhoolacadaysa way ku sii qurux badnaysiisa, Dhoolacadaynta la saaxiib waad qurux badnaanysaaye , qurux badnantu waa inaad dadka ku qaabisho waji furfuran iyo dhoolacadayn.

Hadii aad ahaato ruux la saaxib ah dhoola cadaynta waxad ahaaanaysa ruux ka duwan dadka wajiga duuduuban ee bilaa farxada ah , waxad ahanaysa ruux markasta guul ku sugan .Diinta islaamka ee aadka u macaanka badan ee naxarista badan way amaantay dhoolacadaynta . Akhriste waxad is waydiisa hadi ad tahay qof aad u edaab badan oo xidhan dhar aad u qurxoon oo soo jiidanaya indhaha makhluuqadka kugu hareeraysan si dabacsan oo degana u talaabsanay laakin wajigaga ilkahagu y yihiin qar isku urursan oo aan farxad iyo dhoolacadyn ka maqan tahay ogow dadki labiskgu soo jiitay wajigaagi ayaa ku qaabilay foolxumo iyo murugo .

Waad qurux badan tahay ee dhoolacadee.


Hadaba akhriste ma rabtaa inaad ahaato qof markasta guulaysta oo faraxsan raac taladan aan hoos


1. Subixi aroorta hore isku day inad dhoola cadayso si ad maalinta kuu bilaabmatayna aad ku
2. Isticmaal ereyga SALAAM CALAYKUM iyo ereyga MAANSHA ALLAH adiga o ku daraya dhoola cadayn marka aad la kulanto ama uu kaa so hor baxo qof ,ad salamayso
3. Kaftankaaga ku dar dhoolacadayn hadii kaftan aad la wadaagto asxaabtada taasi wxay kuu saamaxays inaanad hore u xanaaqin
4. Hadii aad aad gabadh tahay isla markaana aad leedahay lamaane ku qabil sayigaaga markasta oo guriga soo gelayo ama uu baxayo dhoolacadayn iyo ereyo dhiiri gelin ah si aad u ahaato dhakhtarad aanu marnab ka maarmi Karin ,

5. Sidoo kale hadii aad tahay nin oo aad leedahay xaas , ku qaabil ooridada farxad iyo waji furfuran wax suurtagal ah in is fahanwaa iman lahaa dhexdiina uu dawo u noqdo dhoolacadayntaasi.
6. Hadii aad ruux la wadaagayso sheeko haasawe oo ruuxa aad ka waydo qosol iyo inuu ku xiiso geliyo ogow qofkaas waxa ka maqan dhoolacadayn.
7. Caruurta yaryar ee soo koraysa ku qaabil farxad iyo dhoolacadayn si ay ku jeclaadan o kuugu
8. Hadii uu ruux ka cadhaysiiyo hawgu jawabin waji iyo hadal cadho leh is difac hadalka aad ku odhanayso ku dar DHOOLACADAYN .

DHOOLACADAYNTU waa furaha guuusha maalinkasta iyo saacadkasta, akhriste Waxaan kugula talin lahaa inaad in badan la saaxibto buugagta iyo muxaadirooyinka ka hadlaya farxada iyo Waxan ka cudurdaaranaya oo aan idinka raali gelinaya inaan ereyga DHOOLACADAYNTA iyo faa,idada ku jirta oo lagaga hadlay buuggag ad u badan aan ku soo koobo maqaal aad u kooban , Wixi khalad ah eed ku dhex aragto akhriste waad isoo gudbin doona insh allah.Wad ku mahadsan tahay wakhtigaga aad u quudhay inaad ku akhrido maqalkan.




W.Qoray: Mohamed salad Ali

Burco / Somaliland

Email: salaadcali@hotmail.com