Ciyaaro:-Xidiga Kooxda Manchester United Pogba Oo Isbadal Wayni Ku Yimi Intii Uu Yimi Tababare Solskjaer.

0
Saturday February 02, 2019 - 09:29:39 in by salman abdi
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaro:-Xidiga Kooxda Manchester United Pogba Oo Isbadal Wayni Ku Yimi Intii Uu Yimi Tababare Solskjaer.

    Ciyaaro:-Xidiga Kooxda Manchester United Pogba Oo Isbadal Wayni Ku Yimi Intii Uu Yimi Tababare Solskjaer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaro:-Xidiga Kooxda Manchester United Pogba Oo Isbadal Wayni Ku Yimi Intii Uu Yimi Tababare Solskjaer.

Paul Pogba ayaa gabi ahaanba u muuqda ciyaartoy sidii hore ka duwan tan iyo imaatinka tababare Ole Gunnar Solskjaer isaga oo samaynaya bandhigo la taaban karo isla markaana si weyn u caawiyay Manchester United.

Mustaqbalkiisa ayaa ahaa mid cirka ku shareeran toddobaadyadii ugu dambeeyay ee mudo xilleedkii tababare Jose Mourinho iyadoo ay warar xan ahi sheegayeen in ay isku dhaceen labada shaqsi.

Waxa ay ahayd mid iska cad in Jose iyo Pogba aysan si wanaagsan u wada shaqaynayn isagoo tababaraha ree Portugal isku dayay inuu iska indho tiro ciyaartoygii kusoo guuleystay tartanka Koobka Aduunka.

Paul ayaa si weyn uga raystay Mourinho iyo cadaadiskii uu garoonka dhexdiisa ku saarayay waxaana uu taliska Solskjaer ku diiwaan gashaday shan gool iyo afar caawimood waana midka ugu badan kooxda tan iyo wakhtigii tababaraha ree Norway la magacaabay.

Haddaba, Pogba ayaa isku bedelay kabtan aan magacawayn marka ay noqoto qolka labiska kooxda waxaana la aaminsan yahay inuu ahaa midka ka dambeeyay shidaalka kooxda ee kulankii ay guusha ka gaadheen Arsenal FA Cup-ka isaga oo kooxda ku caawiyay garoonka dhexdiisa iyo dibadiisaba.

Haddaba, Ilo ku dhaw kooxda oo aan la magacaabin ayaa yidhi "Qolka labisku kadib guushii Arsenal waxa uu ahaa sidii ugu fiicnayd ee uu noqdo dhawr xilli ciyaareed”

"Waxa jiray is gacan qaad iyo hab isasiin badan oo ka dhex jiray xidigaha kooxda iyo qolka labiska, Waxa ay ahayd mid gabi ahaanba ku xidhan habka qaab ciyaareedka”

"Waxa ay fuliyeen tilmaamihii hore ee Ole ku qornaa Pogba ayaa u tagay qofkasta isaga oo kor u qaadaya, Waxa ay ahayd wax wanaagsan in la arko”

"Ole waxa uu ahaa mid hadalka dhagaha ciyaartoyda gaadhsiinaya balse waxa uu ahaa mid raaxaysanaya, Pogba ayaa hoggaaminayay qolka labiska, Inkasta oo uusan ahayn Kabtan haddana waxa ay u muuqatay inuu yahay.