
Iraan:-Dawlada Iran oo Dhoolatus Milatery Ka Bilowday Badda Cumaan iyo Marinka Hormuz
Dowlada Iiraan ayaa dooneysa in ay ku cabsi galiso Wadamada cadaawada kala dhaxeyso awooda ay leeyihiin ciidankooda kala duwan, waxa ayna Ciidamada Iiraan bilaabeen in ay sameeyaan dhoolotusyo aan caadi aheyn.
Ciidamada Badda ee Iiran ayaa shalayBadda Cumaan iyo marinka Hormuz kabilaabay dhoolotus la sheegay in uu soconayo mudo isbuuc ah, waxa ayna ciidankan soo bandhigayaan awoodooda iyo sidoo kale maraakiibta dagaal ay heestaan.
Dhoolatuskan ay sameenayaan ciidamada Iiraan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka iyo maaraakiibta dagaalka ee Iran oo uu ku jiro Gujiskii ugu horeeyey oo ay sameysatay dowlada Iran.
Dowlada Iiraan ayaa sheegtay in Gujiska ay sameesteen uu xambaari karo gantaalada ridada dheer isla markaana uu gunta hoose ee badda ku jiri karo muddo 5 todobaad ah, waana tijaabadii ugu horeysay oo uu maro markabkan dagaal.
Taliyaha ciidamada badda ee Iran Hossein Khanzadi ayaa sheegayin dhoolatuskan uu yahay mid lagu diyaarinayo dhamaan qalabka dagaalka ee wadanka Iran heysto kaasi oo uu sheegay inay ku kooban tahay is-difaacid.
Waxa uu sidoo kale taliyaha sheegay in dhoolotuskan ay ciidankooda sameenayaan uu cabsi badan ku abuurayo cid walbo oo cadaw ku ah Iiraan sidoo kale dooneysa in ay kusoo gardarooto.
Dhoolotuskan ay sameeyeen ciidamada Iiraan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dalka Poland lagu qabtay shir ay soo abaabulaeen Mareykanka iyo Isra’il oo looga hadlayay Qatarta Iiraan, waxaana shirkan ka qeyb galay Wadamada Khaliijka Carabta.





0 

Iraan:-Dawlada Iran oo Dhoolatus Milatery Ka Bilowday Badda Cumaan iyo Marinka Hormuz
Iraan:-Dawlada Iran oo Dhoolatus Milatery Ka Bilowday Badda Cumaan iyo Marinka Hormuz