
XABSIYADA QARSOON EE KU YAALA MAGALADA BURCO
XABSIYADA QARSOON EE KU YAALA MAGALADA BURCO
inka badan 214 qof ayaa magalada burco ku xidhan kuwaas oo aan ku xidhnayn xabsiyada Dawlada dadkan ayaa dhamaantoot silsilad ku xidhan balse dadkaasi ma waala danbina may galin
dadkaasi waxay ku xidhanyihiin goobo lagu tilmaamo cilaajyo
balse aan cilaaj ahayin ee ay yihiin xabsi aad u daran
Niman wadaado isku sheega ayaa dadkaas ku haysta goobahaas markaan waraystay qaar ka mid ah dadka silsilada ku xidhan ayaa waxay iiga warameen sida wax yihiin mid ka mida dadka ku xidhan wuxuna hadalkiisa ku bilaabay abahay ayaa ikeenay meeshan markii la i soo galiyay aqalka jeelka qarsoon ee aan abahay markii hore ii sheegin halka aanu ku socono markiiba markii aanu goobtan soo galay nin silsilad iyo qaful la ordaya ayaa qac igu siiyay markaa waxaan is idhi midhaa way kugu ciyarayaan imika waxaan ku jiraa shan bilood
dawladu ma oga goobtan jeelka qarsoon tacadiyo badan baa ka jira cafimaadaro ayaa ka jirta dad miyir qaba oo la keeno goobtan oo waasha ayaa jira meel aanu ka hadalo ma joogno talefan waanalaga ilaaliyaa raashinka meesha nalogu kariyaa aniga markii aan waydiyay sababta la ii keenay meeshan waxay ii sheegeen dadka ka shaqeeyaa in qaadka iyo sigaarka laga soo xidhay wlahay waan yaabay balse waxaan aad uga naxaa dad ku xidhan jeelashan qarsoon oo qaar kood adimadii maalinkasta dhiig ka dadanayo cid dawanaysaa iyo cid dhiig joojin ku mudaysaa ma jirto naga gaadhsii dawlada iyo cidkasta oo xuquuqda bili aadanka u dooda sidii alle nooga saarilahaa meeshan
Burco/Somaliland
XABSIYADA QARSOON EE KU YAALA MAGALADA BURCO
XABSIYADA QARSOON EE KU YAALA MAGALADA BURCO