Farmaajo oo Soomaaliya U Horseeday dariiqii Halista Cagaaran.

0
Thursday February 28, 2019 - 23:32:01 in by salman abdi
  • Visits: 1427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo Soomaaliya U Horseeday dariiqii Halista Cagaaran.

    Farmaajo oo Soomaaliya U Horseeday dariiqii Halista Cagaaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo oo Soomaaliya U Horseeday dariiqii Halista Cagaaran.
Waxaa hubaal Ah in Madaxweyne Farmaajo u muuqdo Nin Ku Haftay Siyaasada
Hogaamineed ee uu madaxda ka ahaa isla markaana u muuqdo nin aan u
madaxbanaaneyn tallada dalka uu madaxweynaha ka yahay.
Marka la eego daalaa dhaca ku yimid siyaasada arrimaha gudaha iyo dibada ee
soomaaliya.
Madaxweyne farmaajo ficiladiisa hogaamineed waxaa ka muuqda aqoon daro
siyaasadeed waayo arag la,aan iyo kali-talisnimo U horseedi karta dalkaasi burbur
iyo hadimo fool xun.
Sommaliya waxay maanta u baahan tahay in la badbaadiyo inta aan meel dheer
laga doonin waxaana badbaado ugu dhow mooshinka ay Farmaajo ka keenen
golaha shacabku.
Waxaase ayaan darro labaad iyo laf-jab ku noqon karta shacabka reer soomaaliya
ee dhibaatadu dul hoganeyso haddii mooshinka golaha shacabku keenay uu isu
badalo mooshin hunguriyeed sidii caadada u ahaan jirtay xubnaha golaha shacabka
ee soomaaliya.
Waxaana la gudboon golahan in ay shacabkooda u muujiyaan daacadnimo oo
dalka ka badbaadiyaan halista soo food saartay.

Qoraa:- Cali Warancade