Isku Aadka Champions League Ee Maanta Oo Si SIR Ah Loosoo XADAY, Manchester City vs Barcelona Iyo Kulamo Holac Ah Oo Lasii Qishay.

0
Friday March 15, 2019 - 10:53:40 in by salman abdi
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Aadka Champions League Ee Maanta Oo Si SIR Ah Loosoo XADAY, Manchester City vs Barcelona Iyo Kulamo Holac Ah Oo Lasii Qishay.

    Isku Aadka Champions League Ee Maanta Oo Si SIR Ah Loosoo XADAY, Manchester City vs Barcelona Iyo Kulamo Holac Ah Oo Lasii Qishay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku Aadka Champions League Ee Maanta Oo Si SIR Ah Loosoo XADAY, Manchester City vs Barcelona Iyo Kulamo Holac Ah Oo Lasii Qishay.
 

Wararka kasoo baxaya qaar kamid ah saxaafada qaarada Yurub ayaa si yaab leh usoo bandhigaya in lasoo xaday isku aadka wareega siddeed dhammaadka Champions League ee maanta la samayn doono.

Wareegan ayay iska soo xaadiriyeen kooxaha kala ah Manchester City, Manchester United, Liverpool, Tottenham, Barcelona, Ajax, Juventus, FC Porto.

Haddaba iyadoo si qish ah loo soo helay warqad muujinaysa sawirka isku aadka maanta la samayn doono waxaana gadhka iskula jira kooxaha Manchester City iyo Barcelona.

Sidii la filayay ayuu meesha kasoo baxay kulan u dhaxayn doona laba kooxood oo Premier League ah waxaana isku aaday haddiiba uu sawirkani dhab yahay kooxaha Tottenham iyo Manchester United.

Liverpool ayaa u muuqata mid isku aad aan xoog u adkayn heshay walow aan kooxna la yaraysan karin waxaana ay ku aadeen kooxda Ajax.

Dhinaca kale kooxda wacdara soo dhigtay ee Juventus ayaa ku aaday kooxda FC Porto taas oo la micno ah in xiddiga hoggaanka ku ah ee Cristiano Ronaldo uu ku laaban doono dalkiisa Portugal.

Halkan Kaga Boggo Sawirka Isku Aadka Ee Lasoo Qishay

XUSUUSIN:Waxa naga xusuusin ah in aanaan anagu si buuxda u damaanad qaadi karin haddii kani yahay isku aadkii saxda ahaa balse uu yahay mid lagu soo warramayo inuu xaqiiqo yahay.